Ciidammada Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay hub badan oo yaalay Guri ku yaal Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal

Hargeysa (Berberanews)-Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay boqol midh oo  hubka hoobiyaha loo yaqaanno, kaasoo ciidamadu ka heleen guri ku yaal magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo saxaafadda ugu soo bandhigay hubkan Taliska Guud ee Hargeysa, ayaa sheegay inay qabashada hubkan gacan ka geysteen dadka leh guriga hubkan la dhigay, ka dibna ciidammadu hawlgal ay ku sammeeyeen ku guulaysteen qabashada hubkan.