Dareenka Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Berbera Ka Bixiyeen Idaacada Cusub ee Radio Hargeysa

Berbera-(Berberanews)-Dadaweynaha ku dhaqan magaalo xeebeeda Berbera ayaa soo dhaweeyey Idaacada Cusub ee Radio hargeysa, isla markaana sheegay in ay si fiican u dhageysteen Idaacada cusu radio hargeysa ee tijaabada ku jira, sidoo kalena soo jeediyeen talooyin ku saabsan barnaamijyadeeda.
Dadwynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil oo aanu wax ka weydiiyey inay dhagaysteen Idaacada Cusub ee radio Hargeysa, sida maqlkedu yahay iyo waliba dareenkooda ku aadan Idaacada Cusub radio hargeysa.  Axmed Cabdi oo ka mida dadweynaha reer Berbera oo aanu weydiiney inuu dhageystey Idaacada cusub ee radio hargeysa, ayuu ku jawaabey “haa waan dhagaystaa Idaacada cusub ee radio hargeysa tan iyo intii ay tijaabada ku jirtey, runtiina aad ayaan ugu mabsuudey aniga iyo dadka reer Berberaba, waayo hore umaanaan dhageysan jrin hadeer waxaan filayaa bushada ku dhaqan gobolada dalkana inay idaacadaasi cusubi isku xidhi doonto”.
Cumar Maxamed Jaamac oo kamida gacansatada Berbera, oo aanu weydiinay dareenkiisa iyo waliba sida uu u dhageysatey Idaacada cusub ee Radio Hargeysa waxa uu yidhi, “ waan dhageystey Idaacada Cusub ee radio hargeysa, waxaanan ka dhageystey mowjada SWda oo maqalkeedu is ayara jarjaro ama aan aheyn sida mowjada Fmka, laakiin waa guul lagaadhey hirgalinta Idaacadaas Cusub waxaana ku amaanayaa dowlada cusub ee hirgalisay”.
“runtii aad iyo aad ayaan u soo dhaweynay Idaacada cusub ee radio hargeya, waan dhageysanay maqalkeeduna aaad ayuu u fiican, waxaanan u soo gedin lahaamaamulka wasaarada warfafnta iyo wacyigalinta inay u sameeyaan barnaamijyo fiiican oo tayeysan dadweynaha dal iyo dibadba ka dhageysanaya raali galiya” sidaa waxa tidhi Sahra Maxamed Ibraahim oo degan magaalada Berbera.
Madaxwenaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khamiistii doraad xadhiga ka jarey Idaacada Cusub ee radio hargeysa. Idaacada Cusub ee radio hargeysa ayaa markii ugu horeysay guud ahaan wada gaadhey oo laga dhageystey  gobolada dalka iyo dibada, islamarkaana  dadweynihii dhagaystey ay aad u soo dhaweeyeyn