Xulitaanka Golaha degaanka Gobolka Saaxil.Abdul Razak Mohdi Essa


Waxaan maqaalkan doonayaa in aan ugu sheego dadweynaha reer saaxil inay ay u guntadaan siday u soo saari laaheen xildhibaano aqoon yahan oo xilka golaha degaanka qaadi kara.
Haddii aan yara gudo galo hawsha u taala golaha la dooranayo ee degaanka,marka hore waa in uu yeeshaa Engineero ku takhasusay
wadooyinka,civil Eng,iyo joomitirda degaanka,Public Health oo ay soo gelayso Food Control,Pest control(Malaria control),fayo dhowrka,waste managements,maamulkii shaqaalaha,maaliyadii oo ku jirto cashuur ururinta,transporka.
Biyihii iyo laydhka ka haqab tirida dadweynaha,caafimaadka iyo taageerida waxbarashada iwm.
Hadaba waxaan doonayaa masuuliyiinta ay ka go’do soo xulista golayaashaa in ay eegaan 10 kii sano ee tegay waxay qabteen golayaasha iminka jooga oo ay khibrab ka qaataan wixii ay qabteen iyo wixii ay dayaceen.Haddi aan laga dhabeen in la soo xulo aqoonyahan kasban kara xilka loo dhiibtey in ay mar kale gobolka saaxil uu ka hadhi doono horumarka wadan iyo gobolada kale.
waxaan doonayaa in aan suldaamada,boqorada,ch/caaqilada,caaqilada aqoon yahanka,indheergaratada,culimaadiinka,haweenka,iyo bulshoweynta reer saaxil ay xil gaara iska saaraan xulista goloyaasha degaanka.
Waxaan ku yara dari lahaa qolooyinkii hore ee joogey toban sanadood ee hadana damaco qaaday waxaan odhan lahaa intii hore ee aad joogteen ha kugu filaato umadani waxay u baahan yihiin aqoon yahan daacadda oo dadka iyo dalkaba wax u qabta.
Ugu yahaan dadka isa soo sharaxyaa waa in ay leeyihiin ugu yaraan takhasusyada hoos ku qoran.
1.MBA,ama wax u dhigma ——Maareeyah ,ku xigeenka BA iyo khibrad
2.Public Health—Bacholer of Science
3.Eng—-Degree
4.Economic ,Finance degree,Administration iyo wixii kale ee la xidhiidhi kara shaqada golaha degaanka.
waxaan ku soo xidhi laha nin xilqaaday eed qaad.
anaa ka masuula maqaalkan oo qoray
 
Abdul Razak Mohdi Essa
Senior Staff Of Seha Comapany
Abu-Dhabi Health Authority
U.A.E