Siyaasiga Maxamed Gadhyare oo ka warramay guulo uu sheegay inay Sheekh Shariif u sahlayaan in mar kale Madaxweyne loo doorto

Muqdisho-(Berberanews)- Siyaasiga reer Somaliland ee Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo ka mid ah Ergooyinka Somaliland ka tagay ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa rejo fiican ka muujiyey in mar labaad Madaxweyne loo doorto Madaxweynaha hadda talada dalkaas haya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo xusay inuu Md. Sheekh Shariif sameeyey waxyaabo badan oo ay tahay in uu talada sii hayo.

Maxamed Cabdiraxmaan, oo u warramay warbaahinta qaarkeed caawa isaga oo jooga Magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif yahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee wadahadal la bailaaba Somaliland tan iyo intii ka dambaysay 1991-kii markii Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya Burburtay, Somaliland-na ku dhawaaqday inay gooni uga istaaagtay Soomaaliya. Sidoo kalena uu yahay Madaxweyne ku guulaystay inuu in badan oo dalka ka mid ah ka xoreeyo Argagixisada Al-Shabaab, isla markaana uu suurageliyey inuu Shirar lagu qaban jiray dalalka dibedaha uu ku qabto gudaha magaalada Muqdisho.

“Horta waxa jira Musharrixiin badan oo u tartamaya jagada Madaxtinnimada Soomaaliya, hase ahaatee, saadaasha illaa hadda jirta ninka ugu rejada fiicani waa Madaxweynaha hadda talada dalka Soomaaliya haya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sababta oo ah, wuxu leeyahay CV fiican, kaasoo ah waxyaabaha uu qabtay muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya. Haddaan eego, waxyaabaha uu ugu rejada fiican yahay Musharrixiinta tartamaya, waxa weeye in intii uu Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaa qabtay waxyaabo badan oo aanay Madaxdii isaga talada Soomaaliya uga horreysay tan iyo 1991-kii markii ay dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay cidi qaban.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare.

Waxaanu Mr. Gadhyare oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Madaxweyne Sheekh Shariif, waxa uu ku guulaystay intii uu talada dalka hayey inay Xukuumaddiisu soo celiso nabaddii iyo kala dambayntii Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxa uu suuragaliyey inuu Shirarkii dalka dibeddiisa lagu qaban jiray ee dawladaha lagu soo dhisi jiray ku qabto dalka gudihiisa, tusaale ahaan Shirka muddada ka socday Muqdisho ee Odayaasha Dhaqanka, Shirkan shalay lagu ansixiyey Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelato muddo afartan sano ka badan, waxa uu suurageliyey in shirka lagu dooranayo Baarlamanka cusub ku qabto isla Caasimadda dalka ee Muqdisho, kaasoo toddobaadka soo socda la filayo in Ergooyinku Baarlaman cusub ku soo doortaan, ka dibna Baarlamankaasi isla dalka gudihiisa ku dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya yeelanayso.”

“Waxyaabahaas oo dhan ayuu suuragaliyey Madaxweyne Sheekh Shariif. Madaxweyne Sheekh Shariif waa Madaxweynihii ugu horreeyey Madaxweynayaashii ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya soo maray intii ay burburtay dawladdii dhexe wadahadal la fura Somaliland, ee kulan la yeesha, isla markaana ay wax wada saxeexdaan Madaxweyne Somaliland hoggaamiya, gaar ahaan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna dhiniciisa bilawga wadahadalkaas ku ammaanan. Sheekh Shariif waxa kale oo uu hirgeliyey inuu boqolkiiba sagaashan dalka ka xoreeyo Al-Shabaab, isla markaana meelo badan oo dalka ka mid ah ku soo celiyo nabadgeliyo iyo kala dambayn.” Sidaa ayuu yidhi Siyaasiga Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare.

Md. Gadhyare waxa uu sheegay in qodobbada uu kor ku xusay ee muddadii Sheekh Shariif Soomaaliya hoggaaminayey uu hirgeliyey inay yihiin waxyaabo mudan in mar kale Madaxweyne loo doorto, si uu halkaa uga sii wado, isla markaana waxyaabo badan oo qabyo noqon doona haddii cid kale beddesho iyada oo laga taxa-dirayo ay habboon tahay in dib loo doorto Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Maxamed Gadhyare oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Qodobbadaas oo dhan marka la eego waxa kuu muuqanaysa inuu CV fiican ku leeyahay Soomaaliya, waxaana habboon in waxyaabahaas uu qabtay halkaa uga sii wado, isla markaana waxyaabo badan oo dambena u qabto in mar kale Madaxweyne loo doorto Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sababta aan taa u leeyahay waxa weeye qofku hadduu wax fiican qabto waxa fiican in la garab-istaago si uu wax badan oo horumar ah oo intaa ka badan u sii qabto. Waxaanan Baarlamanka cusub ee la dooran doono oo iyaguna sii dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya ay codkooda ku taageeraan Madaxweyne Sheekh Shariif si ay suuragal u noqdaan waxyaabaha aan kor ku sheegay sii socoshadoodu.”

Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed intii uu xilka hayey sameeyey xidhiidh fiican oo ka dhexeeya dawladaha caalamka, sidoo kalena hirgeliyey in la dhaqaajiyo TV-ga Qaranka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay waxyaabaha horumarka ah ee Xukuumaddiisu ku guulaysatay, yahayna Madaxweyne ku guulaystay inuu si sidii hore ka dhaw isugu keenay Beelaha Soomaalida oo uu xusay in intooda badan Beelaha Soomaaliyeed Madax-dhaqmeedkoodu muddo dhawr bilood ah Muqdisho ugu shirayeen Dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.