Naxariis-darrada Ganacsatada Badeecadaha dhacay dalka Soo-geliya, Dedaalka dawladda Hoose ee Boorama iyo Halista Shacabka Somaliland

Boorama-(Berberanews)- Dawladda Hoose ee magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama qaybteeda Fayo-dhawrka, ayaa gacanta ku soo dhigay Badeecado isugu jira Cuntooyin, Dawooyin, Shaambooyo iyo waxyaabo kale oo badan oo wakhtigoodu dhacay, ka dib markii ay sameeyeen hawlgal ka mid ah kuwa ay s ayaa hawlgal ay ka sameeyeen bakhaaradda magaaladaasi ku soo ururiyey Badeecado wakhtigii isticmaalkoodu dhacay oo la iibinayey.

Maayerka magaalada Boorama, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmadaas Cabdiraxmaan Shide Bile, ayaa Warbaahinta uga warramay hawlgalka ay dawladda hoose samaysay iyo waxyaabaha wakhtigoodu dhacay ee lagu soo qabtay, kuwaasoo uu sheegay inay saamayn badan ku yeelanayaan caafimaadka bulshada, isla markaana waxa uu digniin u diray ganacsatada badeecadaha xilligii loogu talagalay in la isticaamaalaa dhammaaday, isaga oo shacabkana uga digay inay iska hubiyaan badeecadaha kala duwan ee cuntooyinka iyo dawooyinku ugu horreeyaan ee ay iibsanayaan wakhtigooda.

Duqa Degmada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Sidaad aragtaan waxa shaqaalaha dawladda hoose ee magaaladu dukaanno iyo meheradaha magaalada kasoo ururiyeen alaabtaasi wakhtigoodu dhacay ee u badan cuntada, Sharaabka, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo xitaa dawooyinka xoolaha. Waxay ganacsato aan iimaan lahayni dadka ka iibinayaan badeecado afar  sano dhacsanaa  oo xitaa ay ku jiraan dawooyinka xoolaha,  xooluhu malaha caqli ay iskaga eegaan dawadaasi inay dhacday iyo inkale. si aan u xoojinno hawlahan waxa waaxda fayodhawrka ee golaha Deegaanka  isbitaalka Guud ee Boorama uga keennay dhakhtar kala shaqeeya arrimahan.”

Maayarku waxa uu ganacsatadda u qabtay muddo todobo cisho ah inay ku soo wareejiyaan Raashinka dhacay ee bakhaaradda yaalay,  amarna ku bixiyey in cidii wax ka bedesha taariikhda dhici taanka ay la kulmi doonaan ciqaab adag. “Ciddi wax ka bedesha taatiikhda dhicitaanka waxa lala tiigsan doonaa sharciga, ganaax culusna waa la saari doono.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Shide Bile.

Dhawr bilood ka hor ayaa magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal hawlgallo ay sameeyeen Ciidammada Booliska iyo dawladda Hoose ee magaaladaasi waxay ku soo qabqabteen Raashin, Caano iyo Sharaabyo dhacay oo ay ugu galeen Guryo lagaga beddalayo wakhtiga dhammaaday ama dhacay ee ku qornaa, isla markaana loogu samaynayo wakhti been-abuur ah.

Booliska iyo dawladda Hoose ee Boorama ayaa u muuqda kuwo wada tallaabooyin ka dhan ah waxyaabaha wakhtigoodu dhacay ee magaaladaa la gelinayo, si ay khatarahooda uga badbaadiyaan qaybaha bulshada, halka ay Caasimadda Hargeysa dugsato Badeecadaha dhacay ee Ganacsatada bilaa naxariista ahi Suuqyada magaalada ku iibiyaan,halka ay hawl-wadeennada dawladda hoose ee Hargeysa iyo Hay’adda dhawrista Tayada Cuntooyinka iyo Dawooyinka ee Somaliland intay tagaan Meheradaha ay Badeecadaha dhacay kula kulmaan ka qaataan Lacag laaluush ah, wax kale oo tallaabo ah oo ay ka qaadaanna jirin, halkii sharciga lagala tiigsan lahaana laaluusha ganacsadu bixiyo loogu oggolaado inuu dadka ka iibiyo waxa dhacay ee ay ahayd in laga ururiyo, sharcigana la horgeeyo ganacsadaha lagu qabto.

Berberanews.com

Hargeysa/Somalialnd.