Laascaanood: Dabley Hubaysan oo toogtay Xisaabiyihii maamulka Gobolka Sool


Laascaanood-(Berberanews)- Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Laascaabood ee gobolka Sool ku toogtay Xisaabiyihii maamulka Gobolka Sool Marxuum Cabdi Cawil Xasan, waxyar ka dib markii uu ka soo baxay salaadii makhrib, isagoo xiligaa u socday gurigiisa oo u dhaw goobta lagu toogtay.

Warku waxa uu intaa ku daray in , marxuumka, ay  toogteen dablay aan la aqoonsan, kuwaas oo tacshiirad rasaas ah kala beegsaday madaxa, kadibna baxsaday,  taas oo sababtay inuu ku nafwaayo halkaa marxuumku.


Ma jiro dilka sarkaalkaa cid loo qabtay, balse ciidamada Booliska ayaa bilaabay, iyadoo ay dablaydii falkaa geystay baxsadeen.

Dhinaca kale dilkan ayaa kusoo beegmay,  iyadoo xalay hal askari dhaawac fududi kasoo gaadhay weerar bamboo  oo lagu qaaday Guriga uu Maayarka cusub ee magaalada Laascaanood deganyahay, iyadoo  askarigaasi ka mid ahaa ilaalada maayarka Laascaanood.

 

Dilalka xarunta gobolka Soola, ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ka socday halkaa, kuwaas oo aan cidna loo qaban, isla markaana lala  beegsado masuuliyiinta gobolka iyo degmada Laascaanood.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com