Berbera: munaasibad ay xilka kula kala wareegeen Maamulaha cusub ee Cashuuraha Beriga Berbera iyo masuulkii hore

Berbera-(Berberanews)-Isuduwaha wasaarada maaliyada ee gobolka Saaxil ayaa maanta xilka u kala wareejiyay maamulihii hore e cshuuraha Beriga Berbera Maxamed Ismaaciil kanadiid iyo maamulaha cusub ood Cawaale Maxamed Jaamac oo  dhawaanta loo soo magacaabay.

Maamulaha Cusub ee Cashuuraha Beriga

Munaasibadan xila loogu ala wareejinayo maamulaha cusub iyo maamulihii hore oo ka dhacay Xarunta Cashuuraha Beriga Berbera  waxa iyaguna goobjoog a ahaa dhamaan shaqaalaha cashuuraha bariga berbera,iyo waliba taliyaha qayta bilaysa berbera.

Maamulihii hore Maxamed Ismaaciil kanadiid ayaa hadal kooban oo uu halkaa a jeediyay u amaanay shaqaalaha sida`wanaagsan e aay ula shaqeeyeen mudadii uu xilan hayay,waxaanau sheegay in aay la `suura galiyeen in aay dakhliga kor u qaadaan,waxaanan a rajaynayaa ayuu yidhi maamulihi hore in sidaa  si a fiican ay ula shaqayn doonaan Maamulaha cusub.
Maamulaha cusub ee Cashuuraha Beriga Berbera Cawaale Maxamed Jaamac, ayaa isna u mahadnaqay maamulihii hore sidii hufnayd ee uu xilkiisa ugudan jiray iyo hawlkarnimadiisii “Waxaanan ka rajaynayaa in shaqaauhuna hawshooda sii dardargalin doonaan oo si hufan u gudan doonaan ,dhamaana waa wada`saaxibaday oo waanu wadashaqaynaynay.”ayuu yidhi Mr Cawaale
Maamulaha kastamka Berbera Mr Gurxan ayaa xilkii u kala tiriyay ,waxaanu yidhi “xilku waa meerto masuul kastaana way soomaraysaa,waxaanan filayaa in tahay dardargalin uun sidii hawlaha qarana adeegiisa loo dardargain lahaa.“ayuu yidhi Maamulaka Kastamka Berbera