Xukuumadda oo digniin u dirtay Ergooyinka reer Somaliland ee Muqdisho ku sugan, soona dhawaysay ansixinta Dastuurka

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay ku faraxsan tahay, isla markaana soo dhawaynayso ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo shalay si rasmi ah ay u ansixiyeen Ergooyinka kala duwan ee dhawaanahanba shirka Dastuurka iyo doorashada Baarlamanku uga socday magaalada Muqdisho ee xarutna dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, ayaa sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo tallaabo kasta oo dalkaas loogu soo celin karo xasillooni iyo dawlad buuxda. Balse waxa uu Wasiirku sheegay inay Soomaaliya faro-gelin ku hayso Somaliland oo ah dal ka madax-bannaan Somaliland oo shuruuc iyo nidaam u degsan leh.

Waxa kale oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ugu baaqay Soomaaliya inay joojiso faro-gelinta ay Somaliland ku hayso, isaga oo dhinaca kelan digniin u diray Ergooyin sheegay dalka Somaliland ka tagay oo ka qaybgalay Shirka ansixinta Dastuurka iyo doorashada Baarlamanka cusub ee Soomaaliya yeelanayso.

Wasiir Maxamed C/llaahi waxa ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Marka ugu horreysa aad-baanu ugu faraxsan nahay hawlaha qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya iyo shuruucda iyo hay’addaha qaranka ay Soomaaliya ku samaynayso, sidii nabadgeliyaddeeda iyo dalkeeda iyo ummadeed u aslaaxiso.Waayo in badan Soomaliya waxaa ka tagnayd amni -darro iyo xukuumad la’aan iyo kala dambayn la’aan. Hase-yeesha wax kale oo noo muuqata arrimo aanu u arkayno faro-gelin halka (Somaliland), tusaale ahaan waxaanu maqlaynay ergooyin ka socda magaalooyin iyo degmooyin ka mid ah jamhuuriyadda Somaliland oo ay Somalia sheeganayso inay ka qaybgaleen shirka ka socda Somalia arimaha xag xadka iyo goboladda ee distuurkan Somalia loo samaynayaa sheeganayo.”

“Waxaanu arrimaha u aragnaa faro-gelin toos ku ah jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna beesha caalamkan aanu u sheegaynaa in arrinta la joojiyo waxay keeni karta caqabad hor leh iyo amni xumo hor leh oo ka dhacda geeska afrika. Dhinac kale Somaliland waa dal madaxbannaan oo sharciyo iyo distuur ayuu dalkani ku dhisan yahay iyo golayaal qaran arrimihiisan sida ay beesha caalamku ka war hayso wuxuu u maamusha si madax bannaan oo gaar ah.Inkastoo weli Somaliland helin ictiraaf taam ah oo siyaasadeed, hase-yeeshee Somaliland ictiraafku mushkulad weyn oo uu hadda kala maqan yahay ma jirta waa dal madaxbannaan dunidu kala shaqayso. Waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna inay arrina ixtiraamto oo aanay hurin nabadgeliyo xumo cusub oo geeska afrika ka dhalata.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar.

Wasiirku wuxuu sheegay in arrimaha distuurka ee Soomaaliya lagu ansixiyey ay iyaga gaar u ahayd isagoo arimahaas ka hadlay wuxuu yidhi “Arrimahaasi waxay ahayeen dodo u gaar ah Soomaaliya oo ku salaysan waxan loo yaqaano dariiqa nabadda ama Road Mapka oo aanay Somaliland xubin ka ahayn kana qaybgelin kana mid ahayn, horena mowqifkeeda ayay marar badan Somaliland caalamka iyo Somaliyaba u caddaysay Somaliland iyo Somaliya waxa la filaya dhawaan marka dawlad loo samayo Soomaaliya in waddahadaladii laba geesood inay dib u bilaabmaan oo laga waddo hadalo.Somaliland iyo Somaliya waxa ka dhexeeya wadahadal dhexmara oo beesha caalamkuna goob joog ka tahay, wadahadaladan anigu ujeedadaydu maaha sida aanu ka maqalay siyaasiyiin Soomaaliyeed waxa laga waddahadalay midow Soomaaliyeed maaha, waxaanu ka hadlaya ixtiraam iyo oggolaansho uga helo jaar wanaag iyo qadiyadda madaxbannada Somaliland ee ay shacabkeedu goosteen ee distuurig ah oo ummadan iyo dalkani difaacayo oo uu ilaalinayo.”

“Hase-yeeshee wixii wadahadaladda ka badan ee hadal ah ama sheegasho ah oo haddii ay tahay goboladda Somaliland iyo haddii ay tahay xubno la sheegayo ergooyin intaba waxay u muuqadan faro-gelin,faro-gelintuna waxay keenta colaad hor leh.Anigu waxaanu nahay dal jaar wanaaga ilaaliya nabadgeliyo kula nool waddamadda geeska, waxaanu jeclahay inay Soomaaliya arrinta aad iyo aad u ilaaliso,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo digniin u diray dadkii ka qaybgalay ansixinta distuurka Soomaaliya oo sheegay in sharciga la soo taagi doono cida lagu helo arrintaas, waxaanu yidhi; “Dhinaca kale ergooyinka la sheegayo inay ka soo jeedan meelo ka mid ah Somaliland oo ay ka qaybgalayaan shirkan waxaanu xusuusinaynaa inuu dalkan leeyahay sharci aanu oggolaananay in dad dalkan u dhashay in si sharcigga ka baxsan u metal shacabkan iyo dalkan oo aan lagu qaaday cida ay ku cadaato arrintaasi.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.