Ujeeddada Kulan dhexmaray Guddiga Doorashooyinka, Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa kulan albaabbadu u xidhan yihiin maanta la yeeshay Masuuliyiin ka kala socday saddexdii Xisbi ee hore u jiray iyo Sagaal Urur-siyaasadeed oo ka soo gudbay wareeggii labaad ee lagu kala reebay 15 Urur-siyaasadeed oo cusbaa.

Kulankan albaabbadu u xidhnaayeen oo maanta ka qabsoomay xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in lagaga wadahadlay qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karto doorashada golayaasha deegaanka oo lagu wado inay sannadkan dalka ka dhacdo.

Shirkani markii uu dhammaaday ayey Weriyeyaashu Masuuliyiinta Ururrada siyaasadda iyo Xisbiyada UDUB, UCID iyo KULMIYE ee shirka ka qaybgalay ay wax ka weydiiyeen ujeeddada shirka ay Guddiga doorashooyinka la yeesheen iyo qodobbada ay kaga wadahadleen. Waxaanay xubnaha warbaahintu wax weydiisay si guud-mar ah u sheegeen in ay ujeeddada ugu weyni ee kulankani la xidhiidhay sidii looga wada tashan lahaa qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan doorashooyinka golaha deegaanka dalka.

Guddoomiye ku-xegeenka 1-aad ee Xisbil-Xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka waramay waxbaaha shirkan laga wada hadlay ayaa sheegay in kulankan ay kaga wada xaajoodeen habka ugu habboon ee loo qaban karo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka,isla markaana ay waxbadan iska waydiiyeen.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali –gurey ) oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga UCID kana qayb galay shirkan maanta ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin su’aalaha dul-hoganaaya qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka oo uu ku tilmaamay mid guul darro u muuqata in xukuumadda oo talada haysay muddo 2 sanno ah ay aanay wali ku guulaysan qabashada doorasho kaliya.

Sidoo kale waxay sheegeen msuuliyiinta ka socotay ururada iyo xisbiyada in laga wada hadlay sidii ay doorashadu ku dhicilayd inta ka horaysa dhammaadka sannadkan iyagoo intaas ku daray inay ka wadda xaajoodeen oo kale astaanta musharixiinta oo ku jirtay Xeerkii ay dhawaan Meel mariyeen Golayaasha Sharci dejinta ee Baarlamanka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.