Nuxurka Kormeer kedis ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku maray xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Masuuliyiin Xukuumadda uu hoggaamiyo ka tirsan, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tagay xarunta dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, halkaas oo uu indha-indhayn ku sameeyey, isla markaana warbixino kaga dhagaystay Masuuliyiinta qaybaha kala duwan ee dawladda hoose.

Waxaana kormeerkaas lagu faahfaahiyey war qoraal ah oo galabta ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, waxaanu warkaasi u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa Saaka Kormeer kedisa ku Booqday Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka subaxnimadii hore markay saacadu ku beegnayd abaaro 8:00 Am, kormeer Kedisa ku soo maray habsami u socodka Xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ku eegayey sida ay hawlaha shaqada ee Dawlada hoose u socodaan, iyo sida ay shaqadu uga socoto waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, waxa uu kula kulmay xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee hargeysa, Mudane Mowliid weris Cabdilaahi oo isagu ahaa masuulka keliya ee madaxweynuhu kula kulmay xafiiskiisa  halka uu ka maqnaa ku simaha Maayirka ahna ku xigeenka Maayirka Caasimada Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Uur-cade, halka uu dalka ka maqan yahay maayirka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamud Jiciir, oo isagu ku maqan Dalka Debediisa.

Xoghayaha Dawlada Hoose waxa uu madaxweynaha warbixin kooban ka siiyey sida ay hawlaha dawlada hoose u socdaan iyo waxa u qabsoomay mudooyinkii u danbeeyey gaar ahaan saddex biloodkan danbe,

Intaa ka dib waxa uu madaxweynuhu kormeer ku maray Xafiiska Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Xafiiska Kaydka Faylasha, Xafiiska Kala wareejinta Dhulka iyo qabashada lacag qalaad iyo Xafiiska Waaxda Cashuuraha oo madaxweynaha warbixin dheer ka siisay wixii u qabsoomay Saddex biloodkii u danbeeyey iyo lacagaha u soo xarooday.

Madaxweynaha Jamhuuriayda Somaliland waxa kormeerkiisan kediska ah ku wehelinaayey

1.     Taliyaha Booliska JSL

2.     Taliyaha Ciidanak Ilaalada madaxtooyada JSL

3.     Taliye ku xigeenka Asluubta

4.     Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex

5.     Wasiirka Arrimaha Gudaha

6.     Wasiirka Madaxtooyada

7.     Protocolka Madaxtooyada.  ALLAA MAHAD LEH.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.