“Waxaynu ku guulaysanay inaynu helno ciidan da’yar oo ku biira Ciidanka Booliska..”Madaxweyne-xigeenka Somaliland

Mandheera-(Berberanews)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inay xukuumaddu ku guulaysatay inay soo-saarista ciidammo da’a yar oo tobabar iyo aqoon u leh ciidammada bileyska.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo maanta tababar ugu soo xidhay dugsiga tababarka andheera 362 askari oo Boolis ah, kuwaasoo muddo afar bilood ah la baranayay shuruucda iyo tabarka ciidamada, ayaa hadal uu ka jeediyay xafladdii xidhaanka oo lagu qabtay dugsiga oo uu sallaan-sharafeed kaga qaatay cutubyada bileyska ah, ayaa bogaadiyay ciidammada cusub.

“Dhammaanteen sharaf ayay inoo tahay inaanu ka qeyb galno xafladan aadka u qiimaha badan leh ee aynu tababarka ugu xidhayno ciidanka tiradan leeg ee tababarku u xidhmay. Waxaynu ku guulaysanay inaynu helno ciidan da’yar oo ku biira Ciidanka Booliska, waxaanan bogaadinayaa Ciidankan tababarku u xidhmay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ciidankan oo u badan dhalinyaro ay u qaateen ciidanka Booliska isla markaana ay muddo afar bilood ah baranayeen tababar sare oo la xidhiidha shuruucda booliska iyo tababarada ciidammadda.

Taliyuhu wuxuu ciidamadan tababarku u xidhmay u soo jeediyay inay hawl maalmeedkooda shaqo ku dabaqaan macluumaadkii ay ka korodhsadeen tababarkan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa Bogaadiyay ciidankan tababarka loo soo gabo-gabeeyay, waxaanu u soo jeediyay inay bulshadooda u fuliyaan adeega xasaasiga ah ee Nabadgelyada ee ay u hayaan.
“Ciidanka Booliska dhaqaale uma kordhin miisaaniyadiisu waxay la mid tahay tii sanadkii 2011-kii, Ciidanka intan leeg iyo cududa intan leeg in ciidanka Booliska lagu soo kordhiyo waa dedaal la iska kaashaday uun, ciidankani wuxuu qaatay tababar sare oo shaqadooda la xidhiidha,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu intaasi ku daray in ciidanka Boolisku u baahan yahay in kor loo sii qaado tayada aqoontooda iyo agabkoodaba si ay u daboolaan adeega halbowlaha ah ee ay u hayaan bulshadda Somaliland.

 

Xafladii loo sameeyay xidhitaanka tababarka ciidankan waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidamada Booliska.

 

Berberanews.com

Mandheera, Saaxil

info@berberanews.com