Somaliland oo ka hadashay halista Cudurka Jooniska iyo Xilliga ay Tallaal u heli doonto

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay maanta daboolka ka qaadday khatarta uu leeyahay xanuunka Jooniska loo yaqaanno, isla markaana waxay sheegtay inay sannadka soo socda ee 2013-ka dalka la keeni doono Tallaalka lagaga hortago fiditaanka cudurkaas.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Dr. Xusee-Xoog) oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan cudurka Jooniska oo xuskiisa sanad kasta loo qoondeeyey in caalamka laga xuso 28/07/2012.

Kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo saxaafada dalka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka hortaga iyo daaweynta cudurka Jooniska kaas oo sanadkiiba hal milyan oo qof ku dila caalamka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed(Xoog) oo ka hadlayey sida uu u fido xanuunkani ayaa sheegay in labiyo tobanki qof ee caalamka ku noolba uu fayraska xanuunkani haleelo hal qof isla markaana uu waxyeeleeyo.

Wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay in cudurkan oo ah kuwa jeermiska lagu kala qaado uu ku fido gacmaha,neefta iyo la macaamilka bulshada wada nool isla markaana ay halistiisu leedahay afar marxaladood taas oo mid waliba astaamaheeda leedahay.

Wasiirku waxa uu sheegay in jeermiska xanuunkani uu asiibo beerka isla markaana ay daaweyntiisu qaali ku noqoto qofka saboolka ah,waxaanu wasiirku tilmaamay in xanuunkani uu si xawliya u fidiyo oo uu caalamkuna u aqoonsaday 28/07/2012 ee sanad kastaba inay noqoto maalinta caalamiga ah ee cudurka Jooniska.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in dedaalkii ay wasaarada  caafimaadku u gashay ay suurta gal noqotay in sanadka 2013-ka ay somaliland ka mid noqoto wadamada talaalka ka hortaga cudurkani uu ka hir gali doono. Ugu danbayntii Wasiirku waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland inay ka faa,iidaystaan talaalada kala duwan ee kor loogu qaadayo caafimaadka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadku sidan oo kale uga hadasho halista xanuunka Jooniska iyo xilliga ay keenayso dalka Tallaalka laga qaato faafitaanka cudurkaas.