Hargeysa: Dadka ku guulaystay tartanka sheeko iyo shaahid oo abaal-marino la guddoonsiiyay

Hargeysa (Berberanews )-Tartamayaasha ku guulaystay tartanka sheeko iyo Shaahid ee sanadkan 2012 oo qayb ka ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa xalay lagu dhawaaqay.
 
Munaasibaddii xalay ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ee ka socotay hoolka hay’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, ayaa lagaga dhawaaqay dadkii ku guulaystay tartanka sheeko iyo shaahid ee sanadkan. Tartankan oo qayb ka ah bandhigga buugaagta, isla markaana u furan qof kasta oo ka qayb-galaya, ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, waxaana dadweynaha ka qayb-galaa ay ku tartamaan qof waliba sheekada uu doono. Taas oo qiimayn ku sameeyaan guddi loo xilsaaray.
 
Tartanka sanadkan oo ay ka qayb-galeen dadweyne tiro badan waxa wejigii hore u soo baxay kala-xulista lix qof, kuwaas oo qiimayn labaad oo mar kale la sameeyay ay ka soo baxeen saddexda qof ee kaalmaha hore galay. Munaasibaddii ku-dhawaaqista dadka guulaystay waxa ka hadlay Jaamac Muuse Jaamac oo ah agaasimaha seeska dhaqanka iyo suugaanta ee REDSEA CULTURAL FOUNDATION oo ah ururka soo qaban-qaabiya sanad walba barnaamijkan. “Tartanka sheeko iyo shaahid waa tartan ay ka-qaybgalayaashu ku soo bandhigaan halabuurkooda la xidhiidha sheeko-qorista, waana halka ay ka soo baxeen in badan oo ka mid ah qorayaasha da’yarta ah ee wakhtigani.” Ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac. Waxaanu sheegay in dhalinyarada sanadkan ka qayb-gashay tartankan ay habluhu kaga yar yihiin sanadihii hore, isaga oo ku dhiirigeliyay inay ka qayb-qaataan tartannada noocan oo kale ah.
 
Jaamac Muuse Jaamac waxa uu halkaa ka sheegay guud ahaan lixda qof ee sheekooyinkoodu wejigii koowaad ee kala-xulista u soo baxeen, kuwaas oo kala ah;
1-Aadan Cumar Maxamuud
2-Barkhad Maxamuud Kaariye
3-Cabdiraxmaan Xaamud Cumar
4-Mustafe Cabdiqaadir Ibraahim (Shiine)
5-Maxamed Haaruun Biixi
6-Safiya Axmed Cali
 
Intaa ka dib, Cabdillaahi Cawed Cige oo ka mid ah guddida qiimaynta tartanka sheeko iyo shaahid ayaa halkaa kaga dhawaaqay saddexda qof ee wejigii labaad ee baratanka ku guulaystay kaalmaha hore iyo abaal-marinnada ay heleen; kuwaas oo kala magacyadoodu kala yihiin sidan;
 
1- Kaalinta koowaad waxa ku guulaystay Maxamed Haaruun Biixi oo abaal-gud u helay, shahaado, boqol doollar oo lacag ah iyo boqol dollar oo uu buugaag ku qaadanayo, qalin iyo koombuyuutarka fudud ee la qaadan karo (Laptop).
 
2- Kaalinta labaadna Barkhad Maxamuud Kaariye oo abaal-marin u helay, shahaado, shan iyo toddobaatan dollar oo lacagnimo ah, kamarad kuwa sawirka ah iyo qalin.
 
3- Kaalinta saddexaad Safiya Axmed Cali oo wakhtiga ku-dhawaaqista madasha ka maqnayd, waxay abaal-marin u heshay, shahaado, konton dollar oo lacagnimo ah iyo telefoonka gacanta (mobile) iyo qalin.
 
Tartanka sheeko iyo shaahid waa baratan suugaaneed ay dadku ku tartamaan sheekooyin gaagaaban oo sanadkiiba mar la qabto, kuwaas oo isu-geyntooda laga sameeyo buug.