Xannuunka Dilaaga Dengue Virus oo ka dilaacay Djibouti, China oo digniin u diray muwaadiniintiisa iyo dhoy la’aanta xukuumadda Somaliland


Djibouti-(Berberanews)-Xukuumadda China, ayaa soo saartay digniin ay u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Djibouti, inay ka hortag iyo feejignaan ka yeeshaan Xanuunka dilaaga ah dengue virus Oo ka dilaacay dalkaas.

Wasiirka Ganacsiga China, ayaa shalay soo saaray digniin uu u diray muwaadiniintiisa iyo shirkadaha China ee ku sugan Dalka Djibouti inay qaataan ka-hor-taga xumadda Dengue oo todobaadyadii u danbeeyay lagu arkay dalka Djibouti.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in tiro muwaadiniinta dalkiisa u dhashay uu soo ritay xannuunka Dengue, kuwaasoo cusbitaalka loo dhigay.

Wasiirku waxa uu u soo jeediyay shirkadaha iyo muwaadiniinta China eek u sugan qaaradda Africa inay si taxadir leh ula socdaan xunnuunka oo ay si dhow uga hortagaan.

 

Waa maxay Dengue Virus?

Xannuunka Dengue oo ka mid ah xanuunada dilaaga ah faafa ama laysu gudbiyo waxa sababa qanniinyada nooc ka mid ah kaneecada ku nool dhulka cimilada qoyan, dhul-kaymeedka iyo saxaaraha kulaylaha, waxaana sanadkasta u dhinta 20,000 oo qof oo u badan caruuur.

 

Astaamaha lagu garto

Astaamaha Dengue Virus waxa ka mid ah qandho, madax-xanuun, xumad ku dhacda muruqyada iyo is-goysjada iyo jidhka oo yeesha nabaro. Marka xumadda Dengue sii korodho waxa ka dhasha inuu qofku halis dhimasho qarka u saaranyahay, waxaana ku yimaada inuu dhiigo, hoos u djac ku yimaada socodka wadiiqooyinka dhiiga iyo Hoos u dhac dhiig-kar ku keena.

 

Dhacdooyinka naxdinta leh

Todobaad kasta boqollaal qof oo ku dhaqan dalka Malaysia, ayaa u dhinta xanuunka oo adduunka ku sii kordhaya, iyadoo warbixin todobaadkii hore ay soo saartay dawladda Malaysia lagu shaaciyay dhimashada 400 oo qof.

Wadammada xannuunkani ka dilaacay waxa ka mid ah Malaysia oo 4.67%, iyo Thailand iyo Indonesia oo kala ah 0.3%  iyo 0.5% , Djibouti oo aan weli shaacin heerka uu gaadhsiisanyahay iyo wadammo kale oo ku yaal qaaradda Africa.

Somaliland khatar bay ugu jirtaa

Somaliland oo xuduud la leh dalka Djibouti ee uu xannuunkani, islamarkaana maalin kasta ay gaadiidku si joogto ah ugu kala gooshaan labada dal waxay halis ugu jirtaa Somaliland inuu si dhib yar u soo galo xannuunku dalka.

Xukuumadda Somaliland iyo Wasaaradda caafimaadka, midkoodna kamuu hadal xanuunka dilaaga ah ee Dengue, waxaanay shacabku ku jiraan halis aan la dhayalsan Karin oo ku soo fool leh.

Berberanews.com

info@berberanews.com