RIYO:Gabaygan waxa tiriyay Abwaan Xiis Maxamed Cilmi [shanfool]

Gabaygan waxa tiriyay Abwaan Xiis Maxamed Cilmi [shanfool]

Rayn iyo dhibaataa naflaha raar u wada taale,

Aadmiga ruqsada looma siin raali noqonshaaye,

Isagoo rug doogliyo fadhiya rabadin aan liidan,

Wuxuu damaca raad-raadiyaa meel kaluu rabo’e,

Hayaankiisa reerkii markuu raris u qoondeeyo,

Rafaad dheer dabeed geedigii uu ratigu daalo,

Raraygaa ku quba heeryadii goobo raygalane,

Runta wuxu ogaadaa markuu ramadki wiiqmaaye,

Roolkayga qoro waa murtida robogsigeediiye,

Inkastoon riyaalena ka tegay udubna aan raafay,

Kulmiyena riyaaq waayo badan guul la daba rooray,

Siilaanyo goortaan rasmiga oonki kaga reebay,

Ee aan ra,iisnimo kursiga raagay kulan siiyay,

Ra’yigiyo xusuustiisa guud raadki garan waaye,

Raasamaal dadweynaha abaal looma raajicine,

Suuqii hargeysaa rawaxay toosna loo raraye,

Oo rodolka meel ay dhigtaan loo rakibi waaye,

Isma dhaamo kaan riixay iyo kaan rafiiq bidaye,

Rejadana malaa kii horaa ramasho fiicnaaye,

Rif-rifbaa ku dhacayoo dalkii qaybo kala raacye,

Ruqumtaa midnimadii baxdoo qaranku reerowye,

Madaxtooyaduna waa rabaal reer ka taliyaaye,

Ninbaa lagu rabeeyoo qasriga looga wada roorye,

Inkastoo la wada ruufayoo ruuxle wada diiday,

Rooxaan la socotiyo haddana rooyalkaa jecele,

Rabshad-walaha waxa lagu falaan layga raaridine,

Haddii rubuc banaan yahay dalkoo raadiyuhu naadsho,

Ninkaan jiif rasiidhkiisa jarin laga rasayn waaye,

Isna maba rog-rogo ee tolkii riishada u tuurye,

Haddii uu riyaal idin dhex maro riximka beeshooda,

Judha riinka telefoonka amar wuu kusoo rogiye,

Rafcaankuna awood male dulmiga uu ku raad guro’e,

Rufuc kama lumoo waa ninkaa raanta loo fidhaye,

Risiq gebi cid kale uma ogola raaxo idilkeede,

Inkastoo la wada raashintoo shacabku reemaayo,

Rajiimkani si gaaruu berbera uu u raabsadaye,

Shamiitada raqdeedii wakaa raaf dilaac galaye,

Waa waxa rakaab soo tashaday ugu rukuuceene,

Rag wuxuu istaahilo nin ogi kuma rabaaseene,

Rijaalnimo hunguri maamulaa ceebo kugu reebye,

Rucdi noqoy hogaankay bulshadu raxalka saareene,

Rucub midho leh daayoo baryahan roobki di’i waaye,

RAXMAANKAA wax doojee haddii daacadnimo riiqdo,

Rayskaa yaraadoo dhulkaa raranku qiiqaaye,

Mar haddii raggaad galo xukmiga la is rasaaseeye,

Riyo noqotay sheekadi doraad foodka loo ridaye,

RABIYOOW adaa samo baxshoo roone waa adiye,

Rukumada dhamaan noo adkee taada lagu reeye,

 

DHAMAAD ALLA    MAHAD    LEH.

Bye abwaan: xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)


Address:  xiis475@hotmail.com