“Marxuum Cigaal muu ahayn Siyaasi reer Somaliland oo kaliya ah, laakiin wuxuu ka mid ahaa Siyaasiinta Afrika kuwa ugu Cad-cad.” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa-(Berberanews)- Xus loo sameeyey toban-guurada ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii labaad ee Somaliland yeelato Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo taariikh badan ku leh, Somaliland, Soomaaliya iyo dunida-ba, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan lagu xusayey Allaah Naxariistii Janno haka wareebiyee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, oo ay soo qaban-qaabisay Marwadii Madaxweynaha Geeriyooday Marwo Kaltuun Xaaji Daahir, waxa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socday dawladda, sida Wasiirro, Agaasimayaal, Madaxda hay’adaha madaxa-bannaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaanno labada gole ee Baarlamanka ka tirsan, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada siyaasadda ee UCID, UDUB iyo KULMIYE, Madaxda Ururrada siyaasadda qaarkood, Salaaddin, Cuqaal, Saraakiil ka socday Ururrada waddaiga ah, madax iyo marti-sharaf kale.

Munaasibadda furitaankeedii ka dib, waxa laga akhriyey qoraal lagu soo ururiyey qaybo ka mid ah Illaahay ha u naxariistee Taariikhda Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Ka sokow qoraalka taariikheed ee madashaa laga akhriyey, waxa iyagu hadallo kala duwan iyo mid waliba aqoontii uu u lahaa Marxuum Cigaal iyo baalka dahabka ah ee uu taariikhda Soomaalida, Somaliland iyo dunida-ba kaga jiro ka jeediyey madax kala duwan. Prof. Maxamed Siciid Gees, muddo badanna ay Marxumka soo wada shaqeeyeen.  “Markaad Xafladdan eegto waxa ku badan dhalinyarada, markaa xasuusta la is-xasuusinayo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa ay faa’iido u tahay dhalinayarada oo ogaanaya marxaladihii la soo maray. Waxan halkan ka sheegayaa Dimuquraaddiyaynta iyo doorka uu ka qaatay Marxuumku, waxa aynu wada xasuunnay 1993-kii markii Boorama lugu soo dootay markiiba waxa uu bilaabay sidii waddankan loogu samayn lahaa Dastuur oo fure u noqanaya dibumuqraaddiyadda. Marxuumku haddii uu hawl qabanayo uu lacag doono waa uu keeni jirey lacagta meesha uu doono ha ka doonee, waxa kale oo uu sameeyay shuruucdii doorashooyinka lugu galay.” Sidaa ayuu yidhi Prof. Maxamed Siciid Gees.

Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo madasha ka hadlay, ayaa hadallo ducooyin ah halkaa uga jeediyey Marxuumka. “Waxa aynu dhammaanteen marag ka nahay inteenna halkan fadhida, inta inna daawanaysa iyo inta innaga maqan-ba dhisamaha Qaranka Somaliland ee aynu ku faanayno inuu ahaa bud-dhigihii Marxuum Madaxweyne Cigaal ee aas-aaskii dawladnimada Somaliland. Waxaan Illaahay uga baryaynaa Marxuumka inuu Jannadii ka waraabiyo.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddoomiya Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo Xafladdaa ka hadlay, sheegay in Marxuum Cigaal yahay shaqsi taariikhdiisa aan xus habeen iyo laba la sameeyey lagu koobi karin ee ay sida timaha isugu tidcan tahay, waxaanu Faysal oo ka hadlayaa yidhi; “Caawa (xalay) waxaynu xusaynaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Illaahay ha u naxariistee, taariikhda Somaliland iyo taariikhda Marxuum Cigaal sida timaha ayay isugu tidcan yihiin oo marka Somaliland la soo hadal qaadaba waa la xasuusanayaa Marxuum Cigaal, haddii maalintii lixadankii la maqli lahaa taladii Cigaal ee uu lahaa waar aynu lix bilood sugno Ummul ayaa la toddoba-bixiyaaye maanta khasaaraha innugu dhacay innagumuu dhaceen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal muu ahayn Siyaasi reer Somaliland oo kaliya ah, laakiin wuxuu ka mid ahaa Siyaasiinta Afrika kuwa ugu Cad-cad.”

Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, oo ka mid ahaa Ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland ee ay Marxuum Cigaal aadka isu yaqaanneen, ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa shaqsiyad noociisu dunida ku yaraa, isla markaana dalkiisa iyo dadkiisaba jeclaa inuu meel gaadhsiiyo. “Siyaasi marka la sheegayo Marxuum Cigaal waxa uu ahaa Siyaasiga dhabta ah,  adduun raadsada ma ahayn ama adduun meel ka dhigtay intii dawlad soo hoggaamiyey Soomaaliya iyo Somaliland toona. Waxa uu ahaa Siyaasi jecel inuu dalkiisa iyo dadkiisa meel gaadhsiiyo….” Sidaa ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

Marwadii uu ka geeriyooday Madaweynihii hore ee Somaliland Marwo Kaltuun Xaaji Daahir, ayaa iyaduna ka hadashay munaasiddaa Marxuumka lagu xusayey. “Caawa (Xalay) waa habeen weyn waa xuskii sannad-guuradii tobnaad ee ka soo wareegatay geeridii Maxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaan jeclaysannay inaan kaga warranno taariikhdisii iyo wax qabadkiisii, waxyaabaha uu Marxuumku qabtay aad iyo aadbay u fara badnaayeen. Laakiin, waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo murannada Xisbiga UDUB oo ah waxyaabaha uu ka tagay Marxuumku ee uu aasaasay soo dhex-galay, Xisbiga Udub wax qabyaalad ah sida ka muuqata magaciisa luguma arag, xuska maanta aynu u fadhinaa waxaa uu ku soo beegmay xilli uu Xisbigii dildilaac weyni ku yimi, aniga oo in muddo ah indhaha ka qarsanayay kala qayb sanaanta Xisbiga diidayna inaan la kala safto labaas kooxood.” Sidaa ayey tidhi Marwo Kaltuun.

Waxaanay intaa ku sii dartay oo ay tidhi; “Arrintii maalintii lugu qabanayay Hoteel Crawn  ayaan anigu laba kalmadood meesha ka idhi runtiina rag badan ayaa dhibsaday, laakiin wixii maalintaa aan ka hadlayay waxaad mooddaa inay maanta muuqdaan, waxooga ayaan hoos ugu dhigay waxaan idhi; ‘waar inta ay nimankani xukunka isku qabsan lahaayeen aan idiinsii yara hayee maad igu yara maamuustaan Guddoomiyaha Xisbiga bal hadhaw ciddii loo soo doorto ha-loo dhiibee,’! arrintaasi qaylo badan ayay dhalisay waxaan u malaynayaa inay kala qaybsanaanta maanta salka ku hayso.”

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo ku hadlayey afka Xukuumadda, ayaa munaasibaddaa ka hadlay waxaanu yidhi; “Marka hore waan salaamayaa dhammaan dadka isugu yimi Xafladdan lagu xusayo toban-guurada geeridii Marxuum Cigaal ka soo wareegtay iyo dadka soo qaban-qaabiyey. Taariikhdiisii iyo wax-qabadkiisiiba horaa looga soo sheekeeyey, anigu waxaan ku soo gebo-gabaynayaa aniga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda, waxaannu u taagannahay mabaaddiidii uu u taagnaa Marxuumku Allaah ha u naxariistee, haddii uu midnmada waddanka u taagnaa annaguna midnimada waddanka ayaannu u taagannahay, haddii uu nabadgelyada u taagnaa annaguna waxaannu u taagannahay nabadgelyada dalka.”

“Haddii uu dimuquraaddiyadda dalka u taagnaa oo uu aasaasay annaguna idinka oo nagu doortay oo aannu idinku matalayno taas ayaannu u taagannahay. Haddii gooni-isu-taagga dalka uu noloshiisa ku bilaabay kuna dhintay isaga oo taa ilaalinaya, annaguna annaga oo idinku metalayna, isagana ku dayanayna ayaannu u taagannahay, idinkana waxaannu idinka codsanaynaa inaad intaaba nagu taageertaan, haddii aydaan shacab ahaan wax nala qaban oo ay daan nagu taageerin wax badani noo socon maayaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumasiga Cabdillaahi-Geel-jire.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Masuuliyiin, Culimo-awdiin, Salaaddiin iyo Siyaasiyiin kala duwan, kuwaasoo dhammaantood si isku mid ah uga sheekeeyey doorkii Siyaasadeed ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo taariikhda uu ka tagay, isla markaana waxay dhammanatood si isku mid ah ugu duceeyeen Marxuumka, iyaga oo Illaahay uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, ummadda iyo Qaranka Somaliland ee uu ka tagayna beddal khayr qaba.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.