Hargeysa: In ka Badan Kun Arday oo ka Qallinjebiyey Dufcadii 22 ee Dugsiga NUURADIIN oo Markii u Horreysay Habluhu ka Tiro Bateen Wiilasha

Hargeysa (Berberanews)- Dufcadii 22-aad ee ka qallinjebisa qaybaha luuqadaha ee dugsiga NUURADIIN oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Somaliland ka jira, ayaa markii u horreysay inka badan kun arday oo ka baxay ay tirada hubluhu ka badatay kuwa wiilasha.

Dufcadan oo shahaadooyin ay ka qaateen 1038 arday oo wax ka kala bartay luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga, Faransiiska iyo barashada xisaabta iyo xirfada kombiyuutarka ee dugsiyada Nuuradiin, ayaa markii kowaad ee taariikhda dugsigaas waxa tirada habluhu ka bateen 10% wiilasha la qallinjebiyey, arrintaas oo muujinaysa horumarka haweenka Somaliland ka sameeyeen dhinaca waxbarashada.

Munaasibad si qurux badan loogu agaasimay qallinjebinta 1038 arday ee waxbarashada kala duwan dhammaystay oo shalay lagu qabtay hoolka ugu weyn huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhallinyarada iyo Dhaqanka, Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin, maamulayaasha iyo macalimiinta dugsigaasi, wakiilo ka socday qaar ka mid ah hay’adaha taageera waxbarashada dalka iyo ardayda qallinjebisay oo ku lebbisnaa dhar laga sameeyey astaanta dugsiga iyo waalidiintooda.

Maamumala guud ee dugsiyada Nuuradiin Mr. Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay xafladaasi, ayaa ka warbixiyey sooyaalka taariikheed ee uu soo maray dugisgu iyo qaybaha uu ka kooban yahay, isagoo xusay in sannadkii 1995-kii uu ku aasaasay hal fasal iyo 8 arday, halka waqtigana uu ka kooban yahay dhawr qaybood oo ka mid yihiin dugsi sare, hoose/dhexe, luuqadaha iyo xirfadaha oo ay wax ka bartaan tobanaan kun oo arday ahi.

Mahad Ibraahim Maxamed waxa uu shaaca ka qaaday in dufcadan 22-aad ee ka qallinjebisay qaybta luuqadaha iyo xirfadaha oo tiradoodu tahay 1038 arday ay markii u horreysay habluhu ka badan yihiin wiilasha, iyadoo 55% tiradaasi yihiin hablo, halka 45% kalena yihiin wiilal, taas oo macnaheedu yahay in ilaa 571 ka mid ahi yihiin hablo, halka wiilashuna ka noqonayaan ilaa 467 arday.

“Ardaydaa ubaxa quruxda badan ee hortayda fadhida ee wiilal iyo hablaba leh waanu idinku faanaynaa haddii aannu maamulkii iyo macallimiintii Nuuradiin nahay waxaad tihiin raasamaalkayagii runta ahaa, haddii shirkadaha waddanku ay raasamaalka ka dhigtaan lacagta ay faa’iidaan, wax-soo-saarkooda iyo daaraha ay dhistaan, annagana waa maxay lacagta aannu faa’iidno iyo wax-soo-saarka aannu samaynaa? Waa idinka (ardayda) oo weliba shirkadahaa in badan baanu ka sarraynaa. Nina miyuu jecelyahay in beertii uu qoday oo uu ku tabcay ay midho-dhaliwaydo? Maya ee suurtogal maaha, Ilaahay baanu ku mahadinaynaa inaad midhahayagii tihiin oo haddii aydaan indhahayga ilmo ku arkayn uu qalbigaygu la ooyayo farxad darteed,” ayuu yidhi Mr. Mahad Ibraahim.

Maamulaha Guud waxa uu ardaydiisa kula dardaarmay inay aqoontooda ku ilaaliyaan akhlaaqda wanaagsan oo fure u ah guusheeda, si ay ugu noqoto mid barakawda oo ay intifaacdo nafahooda, waalidkood iyo dalkoodaba.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, ayaa ku sifeeyey qallinjebinta ardaydaasi kunka ka badan ee wax-ka-bartay dugsiga Nuuradiin ay ka turjumayaan sida horumarka iyo nabadgelyada Somaliland uga qaybqaateen kobaca tacliinta dalka.

Mr. Khadar Diiriye waxa uu ammaanay dugsiga Nuuradiin iyo maamulihiisa guud oo uu sheegay inuu sameeyey dadaal aanay cidina ka caawin oo keenay aqoon qiimo badan oo ay ka soo baxaan dhallinyaro wax ku soo kordhiya mustaqbalka dalkooda, “Waxaannu rajaynayaa inay ka soo baxaan ubad qiimo leh oo dalkan wax badan ku soo kordhiya, kuwaas oo ay ka muuqato in Somaliland leedahay mustaqbal dheer.”

Marwo Faadumo Siciid oo  ku hadlaysay afka waalidka, ayaa ku bogaadisay hablaha reer Somaliland horumarka ay ka sameeyeen waxbarashada ee ay muujiyeen hablaha ka qallinjebiyey dugsiga Nuuradiin oo ka farabatay wiilasha, arrintaas oo ay ku tilmaantay guul weyn oo ay gaadheen, waxaannay tidhi “Markii la ii sheegay in ardayda qallinjebinaysa ee tiradoodu tahay 1038 ay 55% yihiin hablo, 45% kalena wiilal waxaan naftayda ku idhi wallee Faadumoy in badan baad lahayd hablo ka kacee malaha maanta waxa la gaadhay sannadkii aad wiilasha xagooda u jeedsan lahayd oo aad odhan lahayd waar ka kaca waa la idin dhaafaye. Waxaan ku hambalyeynayaa hablaha horumarkaa ay ka sameeyeen waxbarashada mar haddii aad ka soo bilowdeen eber ilaa aad gaadheen 55%, waxaan idiinku abaalgudo ma garanayo ee waan idiin ducaynayaa in Ilaahay cilmiga idiin barakeeyo oo aad nafihiina, waalidkiin iyo dalkiinaba ku anfacdaan.”

Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal oo xafladaasi soo gunaanaday ayaa hambalyeeyey guud ahaan dhallinyarada ka qallinjebisay waxbarashada kala gedisan ee dugsiga Nuuradiin.

Wasiirku waxa uu si gaar ah u ammaanay Maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin, waxaannu yidhi, “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dugsiga Nuuradiin, gaar ahaan maamulihiisa guud Mahad Ibraahim Maxamed oo anigu u haysto inuu kow ka yahay dadka ugu qiimaha badan ee Somaliland jooga, sababta oo ah ardayda kumanaanka ka ah ee uu gacanta ku hayo iyo tayada waxbarashada uu u sameeyey oo dugsiyada Nuuradiin ka dhigay mid ka mid ah hormuudka waxbarashada dalka.”

Waxa kale oo xafladaasi lagu soo bandhigay tayada aqoonta ardayda ka baxday oo dhawr ka mid ahi khudbado ku jeediyeen luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Faransiiska, kuwaas oo qiiro geliyey dadweynihii madasha fadhiyey. Waxa kale oo mid ka mid ah ardaydu halkaasi ka jeediyey gabay si weyn loola dhacay oo ka warramayey dhinacyada arrimaha bulshada.

Gebogabadii xafladaasi waxa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dhawrkii arday ee ugu sarreeyey 1038 arday ee ka qallinjebiyey luuqadaha, xisaabta iyo kombiyuutarka. Sidoo kalena waxa ardaydu shahaado sharafyo iyo hadyado ku maamuuseen qaar ka mid ah macallimiintii waxbartay.