Gabaygii 14aad “Sinnaan iyo Midnimo” ee Silsiladii Sallaamaley

Gabaygan wuxuu ka mid yahay Silsilad gabayo ah oo ay tiriyeen dhalinyaro soomalaiyeed taas oo ujeedada ka danbaysaahi tahay in la furo miis wada hadal oo ay dhalinyaradu isku dhaafsato aaraa’dooda ugana doodaan hadba sida ay ugu muuqato iyaga in xalka lagu gaarayo.Gabaygaygan waxaa la yiraahdaa “Sinaan iyoMidnimo”, waxaanan ku cabirayaa aragtidayda ku aadan in uusan xalku ka sokeyn annaga oo is cafina gacmaha is qabsana markalana si cadaalad iyo sinaan ku dheehan tahay wax u wadaagno.Waxaan kale oo qaybo kamid ah gabaygaygan ku tilmaamayaa in dhibaatada loo gaystay walaalaha waqooyi aanay shacabka soomaaliyeed mas’uul ka ahayn laakiin ay masuuliyadu saarnayd dowlad loo wada dhan yahay oo ay ka mid ahaayeen cid walba.

 

Gabaygii Sinnaan iyo  Midnimo

 

 

 

1.           Sa’da gabay baryahan waanigaan , Saa’id ku ahayne

2.           Sadrigayga waa taan ka jaray , Sannadyo dheeraade

3.           Waxaan maanso isa saari jiray ,Saa Umaan dayine

4.           Saakaan sallaamaley(1) ka helay, Saxaafaddeeniiye

5.           Subaxaan  aqriyay saamaxiyo(2), Saara calankeenna(3)

6.           Kolkaasaan samaha kama haree ,Sengihi kooreystey

7.           Kolkaasaan sadkii aan lahaa ,Doonay sulixiiye

 

8.          Kolhadii sokeeyihi is nacay ,Isa salaamaayo

9.          Maantay sax ii tahay inaan, Gabay sameeyaaye

10.             Safka ii banneeyoo  murtida ,saaxib iga hooya.

 

11.             Soddon tiro Sagaal laga jaruu, Saaka xaal yahaye

12.             Adna kuuma sama xaaja oo ,waadigaan sigane

13.             Anna silic ku nool baan ahoo, waan ku sugayaaye

14.             Waxse aad adigu weli siddaa ,seero gaal dhigaye

15.             Anniguna sidii baan gacmaha ,kugu salaamaaye

16.             Kala saar wixii Ina siyaad ,nagu samaynaayay

17.             Iyo waxa ilaah suubbiyoon ,abidba kaa seyrmin

18.             Hadii adiga saaruukh la riday ,sabiyo kaalaayay

19.             Anba suugagii ololayay  ,igu salaameene

20.             Su’ashaydu waxay tahay ,hadaad igu saluugaynin

21.             Kuwii samata baxay sow ma`aha , sare inaan gayno ?

 

22.             Sa’da kale waxaan iri murtida , nabadda sowdkeeda

23.             Samihiyo midnimadii wixii, lagu samayn waayey

24.             Annagoo saf qura Xaajadii  ,innaga seeroowdey

25.             Sugi maysid maantana inaad, sahal ku gaadhaaye

26.             Maysa saamaxnaa uun markale, saafi waa malabe ?

 

27.             Waxba hadalku yuu ila siqine ,waxan ku soo seeray

28.             Saamiga ilaah baa baxshee ,wixii sadkaagii ah  

29.             Sinnaan iyo midnimo waa inaad , Ugu socdaashaa dhe.

 

30.             Saaruukha miggii sidee ,samada Xiimaayey

31.             Iyo saanadduu siday wataan ,seejay hadafkiiye

32.             Saxariir haloo dilo kolkii , suulka lagu duugay

33.             Waanigii sokeeyaha ma dilo, sawdka ku cadeeyey

34.             Maantana sidiiyoo kaalaan, kuula socodsiine

35.             Siiriga qiyaamaha intii, laga samaacaayo

36.             Intii aniga iil laygu simi, waanku sugayaaye

37.             Samadaan intaa eegayaa, saatirkaan barine

38.             Safki inuu mideeyaan markale, soon u galayaaye

39.             Soomaaliweyn waxan ahayn, layga sugi maayo!

 

Waxaa Tiriyey
Abdiaziiz ahmed Mohamed Xoogsade

aziizxg@hotmail.com

 

 Sharaxa Eryada

(1) Gagaygii Kowaad ee Silsilada

(2) Saamax  Gabaygii labaad ee Silsilada

(3)Saara Calankeena  Gabaygii Shanaad ee Silsilada

FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad  kala xidhiidhi kartaa  magacyadan hoos ku qoran:

1.Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci)  daaci77@hotmail.com

2. Bashir  M. Hersi                          brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr           galayr1977@hotmail.com