Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay sida uu u arko dagaallada ka dhacay Sool iyo Buuhoodle

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dagaallo maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle.

Madaxweynaha Somliland oo sheegay inuu ka xun yahay dagaallada saaka ka bilaabmay Sool iyo Buuhoodle deegaannada hoos-taga oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, ka dib markii ay Malleeshiyo taabacsan dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh jiidda Gambadha iyo aagga Buuhoodle weerarro ka soo qaadeen, isla markaana soo weerareen fadhiisimmo ay Ciidammada Qaranka Somaliland kaga sugnaayeen Sool iyo Buuhoodle.

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ku baaqay in colaadda la joojiyo, isla markaana gogol nabadeed la isugu yimaaddo. “Saxaafadda waxaan idiinku yeedhay, inaan halkan farriin uga diro Walaalahayga, Duqayda, Wax-garadka, Garaaddada, Aqoon-yahannada, Siyaasiyiinta, Dhalin-yarada iyo Haweenka, deegaannada Gobollada Bari, gaar ahaan Sool iyo Buhoodle. Waa la socotaan inay jiraan qaar fidmo wada-yaal ah oo halkaa colaad hor leh ka hurinaya. Walaallayaal colaadda iyo dagaalka wax ku xumaada mooyee wax ku hagaagaa ma jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu bulshada Sool iyo Buuhoodle ugu baaqay inay ka digtoonaadaan kuwa fidmo-wadayaasha ah ee balaayada ka hurinaya jiiddaas sida uu hadalka u dhigay, waxaanu Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waxaan ka digayaa in ay dadku, wax-garad iyo waayeelba ka dig-toonaadaan kuwaa balaayada hurinaya oo aynu wada jir uga shaqayno nabad-gelyada iyo xasilooninada dalkeena iyo degmadeena.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu mar kale ku baaqay gogol-nabadeed, waxaanu yidhi; “Mar labaad iyo mar sadexaadba, waxaan gogol nabaddeed ugu baaqayaa Duqayda, wax-garadka, Garaadada, Aqoon yahanada, Siyaasiyiinta, Dhalin-yarada iyo Haweenka deegaamada Gobolada Bari gaar ahaan, Sool iyo Buhoodle, waxaanan leeyahay walaalayaal waan ku cel-celinayaa oo waan ku cel-celinayaa gogoshaa nabadeed waxanan ku rajo weynahay inaa iga ajiibi doontaan oo garawsan doontaan in ay nabaddu ka khayr-badan tahay colaadda iyo Dhiig data.”

“Waxaan diyaar u ahay in gogoshaa nabadeed lagaga wada hadlo wax kasta oo la kala tabanayo, Arrimaheenana aynu ku dhamaysano wada hadal. Kuwa dabka hurinayana waxaan ugu baaqayaa inay ka waan-toobaan Colaada ay ka taliyaan nolasha dadkeena iyo Deegaankeena.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.