Libya: Maamul-gobolleed lagaga dhawaaqay Gobolka Cyrenaica ee qaniga ku ah Salliida

Libya-(Berberanews)- Hoggaamiyayaasha Bariga Libya, ayaa ku dhawaaqay maamul-goboleed madaxbannaan, kuna baaqay aas-aaska nidaam federal ah. Hoggaamiyayaasha qabaa’ilka gobolka qaniga ku ah salliida ee Cyrenaica, ayaa maanta magaalada Bengazi ka shaaciyay maamul-gobolleed.

 Kulan loo sammeeyay maamul-gobolleedkan waxa ka soo qaybgalay ku dhawaad sadex kun oo qof, iyadoo hoggaamiyayaasha goobta ku sugnaa ku baaqeen in Libya lagu celiyo nidaamka federaalka xilli cabsi weyni ka taagantahay burbur iyo qaybsan ku yimaada Libya ka dib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii la dilay ee Libya Muammar Gaddafi October 2011.

 “ Nidaam federaal ahi waa dookha gobolkan, “Waxa la aas-aasay Golaha Ku-meelgaadhka Cyrenaica oo hoos tegaya hoggaamiye Sheikh Ahmed Zubair al-Senussi, si uu u maamulo arrimaha gobolka, una difaaco xuquuqda dadkeeda.”sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha maamul-goobolleedkaas.

Si kasta ha ahaatee, Hoggaamiyaha dawladda ku-meelgaashka Libya, ayaa isagu si weyn uga soo horjeestay qorshaha federaalk, isagoo sheegay in shacabka Libya u dagaalameen midnimo iyo wadajir.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com