Ma dhab baa in Itoobiya gacansaar la leedahay kooxaha xasillooni-darrada ka wada Buuhoodle?

Addis Ababa (Berberanews)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa la filayaa inay Isniinta maanta ka wadahadlaan qodobo la xidhiidha colaadaha ka taagan degaanka Buuhoodle iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida iyo deganaanshaha mandaqadda Geeska Afrika haddaan la iska kaashan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha dagaal-oogayaasha ah ee dhawaan shirka ku qabsaday magaalada Taleex ee Gobolka Sool.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Addis Ababa, ayaa warbaahinta u sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay beesha caalamka ugu bandhigi lahaayeen xasillooni-darrada ka taagan degaanka Buuhoodle, waxaanay weftigu maanta la ballansan yihiin inay arrintan kala hadlaan dawladda Itoobiya.

Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa wasiirrada Daakhiliga iyo Khaarajiga ee Somaliland ay Isniinta maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeelan doonaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madax sare oo dhinaca ammaanka u qaabilsan dawladda Itoobiya, iyadoo la sheegay in kulankaas xoogga lagu saari doono wadahallo la xidhiidha dagaalka iyo colaadaha ka taagan degaanka Buuhoodle iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida Itoobiya iyo Somaliland, maadaama magaalada Buuhoodle ku taal xadka u dhexeeya labada waddan.

Waxa jira warar sheegaya in dawladda Itoobiya, gaar ahaan madaxda Killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ay gacan-saar la leeyihiin kooxaha Somaliland ka soo horjeeda ee dagaalka ka wada deegaanka Buuhoodle, maadaama markii hore dhinaca Itoobiya ka soo duuleen Somaliland, haddana qaar ka mid ah la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin degaanno ka tirsan Itoobiya.

Haseyeeshee, ilaa hadda ma jirto cid arrintan xaqiijin karta, iyadoo dawladda Somaliland ka hadashay tuhunnada la xidhiidha gacansaarka Itoobiya la leedahay kooxaha dagaalka ka wada Buuhoodle.

“Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo iskaashi, waana la ogyahay in kooxo malleeshiyaad ah dagaal ku soo qaadeen ciidammada qaranka Somaliland, arrimahaasna waxaannu jecelnahay in aannu kala hadalno Itoobiya, markaa u malayn maayo in dawladda Itoobiya ay wadashaqayn la leedahay siyaasiyiin hubaysan oo nabadgelyada Somaliland wax yeelaya. Laakiin arrimo badan oo dagaalkaas iyo mandaqaddaba la xidhiidha waxaannu kala hadli doonaa hoggaanka dalka Itoobiya.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo u warramay wargayska Saxansaxo ee ka soo baxa magalaada Hargeysa.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna magaalada Addis Ababa kula hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inay Isniinta maanta kulan yeelan doonaan saraakiisha dhinaca amniga ee Itoobiya, isla markaana ka wadahadli doonaan xaaladaha ka soo cusboonaaday xuduudda dhinaca bari ee labada dal u dhexaysa, gaar ahaan degaanka degmada Buuhoodle.

Sources, Jamhuuriya