Xukuumadda Somaliland oo mar kaliye Xabsiga wada dhigtay 22 Suxufi oo ka hawlgala Hay’adaha Warbaahinta dalka

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa abbaaro tobankii subaxnimo ee Saaka Xabsiga ka buuxisay ugu yaraan 22 Weriye oo ka hawlgalayey Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, ka dib markii ay bannaan-bax cabasho ah la hortageen xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamanka dalka ee magaalada Hargeysa.

22-ka Suxufi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho inkasta oo inta badani Wiilal yihiin, ayey Ciidammada Boolisku garaacis kala daaleen iyaga oo qoriga dabadiisa iyo Budhadh kala daalay, isla markaana si xun u garaacay, iyaga oo qaar badan oo Weriyeyaasha ka mid ah nabarro kala duwan gaadhsiiyey.

Tirada Suxufiyiinta ah ee la xidhay ayaa hadda ku jira Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, kuwaasoo amarka lagu xidhxidhay Suxufiyiinta ka hawlgalayey qaybaha kala duwan ee Warbaahinta madaxa-bannaan waxa bixiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur.

Suxufiyiinta ayaa ka hawlgalayey Hay’adaha warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, sida TV-yada, Wargeysyada iyo Website-yada. Ma jirin dhibaato ay u geysteen dawladda iyo Ciidanka toona, hase ahaatee, Baabuur Askar tiro badan laga soo buuxiyey ayaa lagu dul dejiyey iyaga oo Weriyayaashu si nabadgelyo ah boodhadh ula hortaagan Madaxtooyada, kuwaasoo ay kagaga cabanayeen xadhigga iyo xayiraadda ay Xukuumadda Siilaanyo xalay kula kacday Xafiisyada Telefeshinka madaxa-bannaan ee Horn Cable.

Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, oo hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kala hadleen xadhigga Weriyayaasha tirada badan, ayaa ku hanjabay in guud ahaanba Weriyayaasha madaxa-bannaan ee dibedda joogana Xabsiyada laga buuxin doono. “Intiinna dibedda joogtana waa la idin xidhayaa qof dibedda idinka joogi maayo, haddaad sharciga ilaalin waydaan, inta xidhanina way xidhnaanaysaa..” sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubbad oo u jawaabayey Hoggaanka SOLJA..

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee abid Somaliland ka dhacda, waana markii ugu horreysay ee xukuumad Somaliland ka talisaa hal mar 22 Weriye oo Rag iyo Dumar isugu jira Xabsiga dhigto. Waa mid sharci-jebin ah, waa tallaabo ay inta badan ku kacaan dawladaha kali-teliska ah ee Afrikaanku.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.