Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Sheegay inay Ruqsaddii kala noqdeen Horn Cable TV, 22 Weriye oo la xidhaynay la siideyn doonin

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa shaaca ka qaaday inay Ruqsaddii dhaq-dhaqaaqa kala noqdeen Xukuumad ahaan Telefeshinka madaxa-bannaan ee Horn Cable oo ay Xalay Ciidammada Ammaanku albaabbada u laabeen Xafiisyadii Suuq-geynta iyo Baahinta ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Md. Duur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in 22 Suxufi oo ka hawlgalayey Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland oo maanta Ciidammada Boolisku garaacis kala daaleen, qaarkoodna nabarro gaadhsiiyeen, isla markaana dhammaantoo Xabsiga u taxaabeen aan la siideyn doonin ee ay xidhnaanayaan.

Wasiirka Daakhiligu waxa uu sheegay in Telefishanka Horn Cable TV uu ku kacay waxyaalo ka hor imanaya qaranimada Somaliland isla markaana uu buunbuuniyey warar  ka hor imanaya qaranimada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in xeer ilaalinta guud ay baadhis ku wado telefishanka Horn Cable TV, sida oo kalana waxa sheegay in aanay jirin in dhulkii ay ku sugnaayeen ciidamada qaranku aanay dib uga soo bixin, mar uu ka hadlayey mudaharaad saaka ay sameeyeen saxaafada madaxa banaani ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin mudaharaad ay ogolaatay wasaaarada arimaha guduhu, isla markaana uu mudaharaadkaasi aahayn mid sharci ah.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili ay xukuumada somalilana ay gabi ahaanba albaabada u laabtay xarunta telefishanka horn Cable TV uu ku leeyahay magaaladda hargeysa isla markaana ay xabsiga ku jiraan ku dhawaad labaatan saxafi oo ka mida saxaafad madaxa banaan kuwaas oo ay ku jiraan Agaasimaha Shabakada Hadhwanaagnews iyo ku xigeenkiisii.

Xadhigan saxaafada madaxa banaan saaka lagula kacay ayaa yimi  ka dib markii ay weriyayaasha ka hawl gala saxaafada madax banaani ay mudaharaad ka sameeyeen xidhitaankii ay dawladu xidhay telefishanka Horn Cable TV.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.