War Dag-dag ah “26 Suxufi oo saaka Xabsiga loo Taxaabay”

(Berberanews Hargeisa):- 26 wariye oo ka tirsan dhamaan warbaahinta kala duwan ee jamhuuriyada Somaliland oo isugu jira Haween iyo Ragba ayaa saaka abaaro 10:30 subaxnimo xabsiga dhexe loo taxaabay halka qaarkalena lagu xidhay xarunta CID ee magaalada Hargeisa,

Xadhigan Wariyayaashan ayaa laga qab-qabtay madaxtoonyada Somaliland horeteeda iyagoo sita boodhadh ay ku muujiyeen in ay ka xun yihiin kana mudahraadayaan cambaarayntii foosha xumayd ee uu shalay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamud “siilaanyo” uu u jeediyay Televisionka caalamiga ah ee HCTV  isagoo  ku sugnaa xarunta Baarlamaanka Somaliland, halkaasi oo uu ka hadlayey madaxwaynuhu qudbad dastuuri ah oo uu u jeedinayey labada gole qaran ee Somaliland, halkaasi oo madaxwaynuhu isla xalayba ablaabada u laabay xafiiskii iyo xaruntii laliska Hawda ee Televsionka HCTV.
Wariyaashan isugu jira Hablo iyo Ragba ayaa lagula kacay falal ka dhan ah saxaafada xorta ah, halka qaar loo gaystay jidh dil isugu jira in lagu garaacay qori-dabadii iyo bakoorado ay u adeegsanayeen ciidamada Booliska Somaliland kana qaadeen dhamaan qalabkii ay siteen qaar mid ahna ay ka burburiyeen  ciidanku .
Xadhigan wariyayasha ayaa  la sheegay in uu amray Wasiirka wassaarada Arimaha Gudaha Md: Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo isla markaasina ku amaray Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Taliye: Maxamed Saqadhi Dubad in uu xabsiga u taxaabo dhamaantood , sida la sheegayana taliyhu wuxuu hanjabayey in aanuu wariyedanbe oo  madax banaani  dibada mari doonin.
Falalkan arxandarada ah ee lagu kacay wariyaasha madaxa-banan ayaa ku soo beegmaysa xili ay dalka ka jiraan arimo badan oo xasaasi ah iyo waliba ciidamada qaranka Somaliland oo dagaalo kula jira maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Deegana Buuhoodle.
Wixii ka soo kordha xadhiga wariyayaasha kala soco wararkayaga danbe.