War Deg-deg ah:Xukuumadda Somaliland oo albaabbada u laabtay Xafiisyada Horn Cable TV ee Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland ayaa albaabbada u laabtay Xafiisyada Suuq-geynta iyo Baahinta ee Telefeshinka madaxa-bannaan ee Horn Cable ku leeyahay badhtamaha magaalada Hargeysa iyo Bariga Caasimadda, ka dib markii ay Ciidammo Boolis ah oo Hubaysani Xoog ku galeen Xafiisyadaas, isla markaana dibedda uga dareeriyeen Shaqaalihii hawlohooda shaqo ku guda jiray ee Xafiisyadaa ku sugnaa.

Abbaaro 6:30-kii fiidnimo ee mardhawayd markii Salaadda Maqrib laga soo baxay ayey Ciidammada ammaanka Somaliland albaabbada ulaabeen, isla markaana ku amreen inay xidhan yihiin Xafiisyadaasi oo aan la furi karin, iyaga oo dibedda uga soo dereeriyey shaqaalihii hawlohooda shaqo watay.

Waxa kale oo ay Ciidammada Boolisku qabteen Agaasimaha Horn Cable TV u qaabbilsan Bariga Afrika Maxamed Cabdi Sheekh (Maxamed-Ilig), balse waxyar ka dib la sii daayay.

Lama sheegin waxa sababay, inay Xukuumaddu albaabbada u laabto Xafiisyada Suuq-geynta iyo Baahinta Horn Cable TV

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.