Madaxweyne Silaanyo oo daboolka ka qaaday inaanu aqbalayn go’aankii shirka Talleex, difaacina doono Midnimada Somaliland.

Hargeysa-(berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Silanayo) oo khudbad-sanadeedka 2011 maanta ka jeediyay kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Goleyaasha Baarlammaanka, ayaa daboolka ka qaaday inuu difaaci doono midnimmada iyo wada-jirka Somaliland oo aanay aqbali doonin go’aankii ka soo baxay shirka Talleex.

Madaxweyne Silaanyo oo khudbaddiisa ku soo qaatay badi waxqabadkii xukuummadiisa ee sanadkii dhammaaday, siyaasadda arrimaha Debedda, Nabadgelyada iyo qorsheyaasha sanadka soo socda waxa uu ku soo qaatay shirka Talleex uga furmay qaar ka mid ah Beelaha Dhulbahante, isagoo sheegay inuu shirka ajandihiisu ahaa mid nabadgelyo, balse ay habaabiyeen koox uu ugu yeedhay Fidma-wadayaal.

Madaxweynuhu isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Shirka Taleex wuxuu ku billaabmay jawi nabadgelyo oo beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga arrinsanaysay arrimaheeda dhaqan iyo horumarineed inta aanu ognahay, waxaase shirkaa majara habaabiyay koox fidna-walayaal ah oo qaarkood hore ugu caan baxeen Somaliland nacaybka kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan nabdoon. Beesha Sool iyo dhamaan beelaha reer Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgelyo iyo horumar kamana muuqato inay xiligan ka soo baxayaan shirkaa wax lagu tanaado ama ay dani ugu jirto beelahaa.

Dawlada Somaliland marnaba ma ogolaandoonto in qarankan lakala qaybiyo iyo in lagu qadhaabto magacayo aan jirin, waxaanu difaacaynaa midnimada iyo wadajirka Somaliland, intii mas’uulka ka ahayd shir-qoolkaasna waxaanu u aragnaa in ay yihiin dembiilayaal qaran.”

Madaxweynuhu waxa uu baaq u diray Waxgaradka iyo duqayda Reer Sool, “Wax-garadka, Samo-taliska iyo duqayda reer Sool waxaan ugu baaqayaa inay ka feejig-naadaan iskana jiraan fidnadaa ay la wareegayaan kooxdaa kusoo duushay wadajirka umada.”

Madaxweyne Silanayo waxa uu ka hadlay heerka xidhiidhka dublamaasiyaseed iyo ganacsi ee xukuummadda Somaliland la wadagato dalalka Jaarka sida Djibouti iyo Eithiopia iyo safaradii kala duwanaa ee uu ku tegay dalalkaas, balse Madaxweyne Silaanyo aanu soo hadal qaadin Waraysi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cummar Geelle ku dafiray madaxbannaanida iyo horumarka Somaliland gaadhay, taasoo iftiiminaysa inuu meel xun marayo xidhiidhka labada dal, haseyeeshee uu Madaxweynuhu ka indho qarsaday inuu ka hadlo. “Annagoo maanka ku hayna muhimadda uu mandaqadda u leeyahay, xidhiidhka sokeeye ee waddamada jaarku, bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Djibouti iyo dalka itobiya ee aynu saaxiibka nahay.

Booqashooyinkaa oo aan ku kalsoonahay inay sii adkaysay xidhiidhka iyo waxwada qabsiga aynu la leenahay labadaa dawladood ee aynu walaalaha nahay, waxaanu kaga wada hadalnay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada, dhaqaalaha, iyo gancsiga, kulankaa ka dibna waxa Djibouti dib looga furay xafiiskii ay Somaliland ku lahayd oo muddo xidhnaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Silaanyo oo ka hadlayay xidhiidhka dalalka Jaarka.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay halka uu ku danbeeyay xidhiidhkii saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray Somaliland, Eithiopia iyo China ee maalgashi shiinuhu danaynayay inuu ka sammeeyo Somaliland iyo Eithipia. “Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadanka shiinaha oo aanu ka wada hadalay maalgashiga dhulkeena isfaham fiicana waanu isla gaadhnay wakhtigan xaadirka ahna waxaa ku maqan wefti waxaana aanu ku rajaweynahay in uu xidhiidhkaasi midho dhal noqon doono.”

Madaxweyne Silanyo waxa uu ka hadlay dedaalo muddooyinkii u danbeeyay xukuummadiisu ugu jirtay xidhiidh inay la sammayso dalalka Carabta oo aamisan fikirka Somaliweyn, sidaa daraadeedna ay safari kala duwan ku tegeen dalalka  Kuwait iyo Masar oo uu sheegay inay madaxda dalalkaas ka wada hadleen sidii ay Somaliland uga caawim lahaayeen abaaraha iyo biyo la’aanta iyo maalgashi inay maalgashi ku sammeeyaan khayraadka dalka.

Madaxweyne Silaanyo mar uu ka hadlay dhinaca Nabadgelyada waxa uu ku faanay in xukuummadu ku guulaysatay deminta colaado kala duwan oo dalka ka dhacay, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa ina soo maray dhawr shaqaaqo oo ka kala dhacay meelo kala duwan, waxaanay kala ahaayeen Kalshaale, Ceelbardaale, Ceerigaabo Yagoori iyo Seemaal, Waana ogtihiin oo dhamaantood waxa ay xukuumadu uga hawl-gashay sidii ugu wanaagsanayd ee lagu xakamayn lahaa, laguna baajin lahaa dhiig sii data.”

Madaxweyne Silaanyo waxa uu muujiyay in xukuummadu diyaar u tahay Beesha Caalamka inay kala shaqayso ammaanka, la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo deegaanka, balse ay garwaaqsadaan rabitaanka shacabka Somaliland iyo aayo-ka-tashidooda, isagoo arrimaa ka hadlaya waxa uu yidhi Madaxweynuhu, “Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga Somaliland aaya ka tashiga madax-banaanidooda. Sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qaybqaataan dib udhiska qarankan.
Ummada reer Somaliland waxay kasoo gudubtay maalmo badan oo qadhaadh illaa iyo marka laga soo bilaabo isticmaarkii gumaystaha, halgankii dibu xoraynta dalka iyo dhismihii qaranimada oo tacab badani ku soo baxay. Maantana waxaan ku kalsoonahay inay ka gudbi doonaan dibindaabyo kasta oo loo soo maleego.”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu khudbad sanadeedkiisii maanta inta ugu badan ku soo qaatay waxqabadka addeegyada bulshada ee ay hirgeliyeen dawladaha Hoose iyo Wasaaraddaha kala duwan sida waddooyinka, caafimaadka, Tacliinta, Beeraha, dhaqaalaha, Xoolaha, Biyaha, Caddaallada iyo Nabadgelyada.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com