Ibraahin-Dhagaweyne oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay xayiraadda ka qaaddo Xafiisyada Horn Cable TV

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka UDHIS Muj: Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) iyo Xoghayaha guud UDHIS Siciid Xaaji Qulumbe, ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo caawa fiidkii kula kacday Agaasimaha Bariga Afrika ee Horn Cable TV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo isaga wax yar ka dibba la sii-daayey iyo guud ahaanba Xafiisyadii uu Telefeshinka Horn Cable ku lahaa magaalada Hargeysa ee Suuq-geynta iyo Baahinta oo Ciidammo Boolis ahi la wareegeen.

Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee UDHIS Mr. Ibraahin-Dhagaweyne, oo qoraal uu caawa arrintaa ka soo saaray soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakadda Wararka ee Berberanews ee magaalada Hargeysa, waxa uu si adag ugaga hadlay tallaabada ay Xukuumaddu ku fulisay Horn Cable TV oo uu ku tilmaamay mid ka soo horjeedda Xorriyatul-qawlka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda uu u dammaanad-qaaday Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ummaddu u codaysay 97%-kiiba.

“Urur-siyaasadeedka UDHIS, waxa uu si kulul u cambaaraynayaa Cabbudhinta Saxaafadda Xorta ah ay Xukuumaddu Madaxweyne Siilaanyo ku hayso, gaar ahaan tallaabada ay Xukuumaddu caawa albaabbada ugu laabtay Xarumihii Telefeshinka madaxa-bannaan ee Horn Cable TV Hargeysa ku lahaa iyo Agaasimihii guud ee TV-ga Maxamed-Ilig.

Sidoo kale, waxaannu cambaaraynaynaa hadalka eedaynta ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku soo daray khudbad sannadeedkiisii uu maanta ka horjeediyey fadhiga wada jirka ahaa ee ay labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) Somaliland maanta yeesheen, waxa uu Madaxweynuhu si gaar ah ugu soo hadal qaaday Horn Cable TV oo uu ku tilmaamay mid borobagaando faafiya oo ka gudbay xadkii sharcigu u oggolaa.

Ururka UDHIS, waxa uu qabaa in hadalkaasi aanu ahayn mid ku habboon Madaxweynaha afkiiska, waxaanannu u aragnaa inuu Horn Cable TV yahay mid u adeegaya bulshada Somaliland, baraarujinta iyo toosinta Xukuumadda. Xadhiggaa Xukuumaddu kula kacday, waxa Urur-siyaasadeedka UDHIS u arkaa arrin fool-xun oo madax-bannaanida Saxaafadda liddi ku ah.

Jiritaanka Qarannimada Somaliland iyo midnimada shacabkeedu waa muqaddas lama taabtaan ah, mana qabno inay Xukuumaddani waxay hore u dayacday oo ay hore wax ka qabashadeedu waajib u ahayd, ka daba-taggeeduna aanu macno ku fadhiyin inay kula galgalato Saxaafadda iyo cid kale. Laakiin, jiritaanka iyo Xuduudaha Somaliland waa lama taabtaan. Arrinkii laga hortagi lahaa in immika laga daba tagaa waxay inna tusaysaa jilicsanaanta iyo awood-darrada Xukuumadda talada dalka haysa. Madax-bannaanida Somaliland, jiritaanka Qarannimadeeda iyo midnimada Bulshada reer Somaliland-na ma jirto cid loo daba fadhiisanayaa.

Gebogabadii, waxaannu Xukuumadda u soo jeedinaynaa uguna baaqaynaa inay dhawrto madax-bannaanida Xorriyatul-qawlka muwaaddiniinta iyo madax-bannaanida Saxaafadda, isla markaana ay xayiradda ka qaaddo Xafiiyada uu Horn Cable TV ku leeyahay magaalada Hargeysa ee albaabbada ay u xidhay.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.