Gal-daloolooyinka ka muuqday Khudbad sannadeedka Madaxweynaha Somaliland iyo Hadallada laga yidhi

Hargeysa-(Berberanews)- Gal-daloolooyin cadcad oo aan indhaha laga lalin karin ayaa laga dheehan karayey khudbad sannadeed dheer oo uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeediyey Mudanayaasha labada Gole Baarlamaan ee dalka (Guurtida iyo Wakiillada), taasoo uu kaga hadlay arrimo fara badan oo kala duwan.

Madaxweynaya Somaliland oo laga sugayey inuu si adag uga hadlo xaaladda wakhtigan dalka ka taagan, gaar ahaan arrimaha maamul-goboleedyada magaca ah ee lagaga dhawaaqay Bariga iyo Galbeedka Somaliland, gaar ahaan degmada Taleex ee Gobolka Sool iyo Awdal State oo dalka dibeddiisa lagaga dhawaaqay, waxa uu uga hadlay si ka duwan sidii bulshada iyo Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamanku badi ka filayeen, waxaanu Madaxweynaha oo arrinta Taleex ka hadlayaa yidhi; “Shirka Taleex: Shirka Taleex wuxuu ku billaabmay jawi nabadgelyo oo beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga arinsanaysay arimaheeda dhaqan iyo horumarineed inta aanu ognahay, waxaase shirkaa majara habaabiyay koox fidna-walayaal ah oo qaarkood hore ugu caan baxeen Somaliland nacaybka kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan nabdoon. Beesha Sool iyo dhamaan beelaha reer Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgelyo iyo horumar kamana muuqato inay xiligan ka soo baxayaan shirkaa wax lagu tanaado ama ay dani ugu jirto beelahaa.” Waxaanu Madaxweynaha oo Shirka Taleex ka sii hadlayaa yidhi; “Dawlada Somaliland marnaba ma ogolaandoonto in qarankan lakala qaybiyo iyo in lagu qadhaabto magacayo aan jirin, waxaanu difaacaynaa midnimada iyo wadajirka Somaliland, intii mas’uulka ka ahayd shir-qoolkaasna waxaanu u aragnaa in ay yihiin dembiilayaal qaran. Wax-garadka, Samo-taliska iyo duqayda reer Sool waxaan ugu baaqayaa inay ka feejig-naadaan iskana jiraan fidnadaa ay la wareegayaan kooxdaa kusoo duushay wadajirka umada.”

Meelaha kale ee gal-daloolooyinku ka muuqdeen Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo jeediyey waxa ka mid ah sida uu uga hadlay Saxaafadda oo mid ka mid ah si gaar ah dhalliil ugu jeediyey iyo dawladdiisa dhan oo uu hal Masuul oo waajibaadkiisii shaqo gutay ku hambalyeeyey khudbad sannadeedkiisa. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa Maayirka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ka dhex muuqday sannadkan waxqabadkeedu Rag iyo Dumar-ba.” Sidaa ayuu khudbaddiisa ku yidhi Madaxweynaha Somaliland oo si gaar ah dawladda ugala soo dhex baxay.

Waxa kale oo uu ka mid ahaa qodobbada khudbadda Madaxweynaha ee saluugga weyn laga muujiyey weedho uu kaga hadlay Saxaafadda iyo Xorriyatul-qawlka, waxaanu yidhi; “1)   Saxaafadda:

Xukuumadaydu waxay ku timi hanaan dimuqraadi ah iyo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee xorriyatul-qawlka. Xorriyadda saxaafadda iyo madax banaanida fikirka muwaadinka waa arin aan ixtiraamayno. Waxaanu dul qaad u leenahay dhaliilaha, toosinta ah ee naloo soo jeediyo. Hase yeeshee, waxaa soo baxay qaar ka gudbay xuduudii uu sharcigu ogolaaa sida TV-ga gaarka loo leeyahay ee Hon Cable TV oo caadaystay faafinta borobagaadada lidiga ku qaranimada Somaliland.”

Haddaba, sida uu uga hadlay Madaxweynuhu arrinta Shirka Taleex waxa saluug ka muujiyey qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada, kuwaasoo markii fadhiga uu Madaxweynuhu khudbad sannadeedka ka jeediyey ee Baarlamanka dibedda looga soo baxay ay Saxaafaddu wax ka weydiisay Xildhibaannada iyo Guddoomiyaha UCID. Ugu horreyn Ibraahin Mahdi Buubbaa oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada, lagana soo doortay Gobolka Hargeysa, ayaa yidhi; “Buugga uu Madaxweynuhu Baarlamanka ka hor akhriyey sidii loo baahnaa ugagamuu hadal arrinta Taleex, annaguna sida dul xaadiska ah ee uu uga hadlay kamaannaan filaynin, waxa kale oo wax lala yaabo ah Madaxweynuhu inuu Horn Cable TV oo ka mid ku tilmaamo TV borobagaando laga baahiyo.”

Sidoo kale, Xidhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiillada, ayaa yidhi; “Sidii aannu golayaal ahaan ka filaynay Madaxweynuhu khudbad sannadeedkiisa ugagama hadlin, inuu Horn Cable TV si gaar ah ula soo baxana waa arrin qalad ah oo aan meesha qaban, TV-gana waannu ka xaal-siinaynaa arrintaas.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo wax laga weydiiyey sida uu u arkhayey Khudbad sannadeedka Madaxweynaha, isaga aragtidiisa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu waxa uu Golayaasha Baarlamanka ka horjeediyey Khudbad sannadeedkiisii Dastoorku ku waajibiyey, isla markaana sida Dastoorku dhigayo waxa uu kaga hadlay Wax-qabadka Xukuumaddiisa, Arrimaha Dhaqaalaha, Siyaasadda gudaha, dibedda, Xidhiidhka caalamiga ah iyo arrimaha ammaanka, si fiican baanu ugaga hadlay arrimahaas.” “Hase-yeeshee, Shirka Taleex ee lagu kala qaybinayo Somaliland, laguna wiiqayo Midnimada Shacabkeeda iyo Qarannimada Somaliland sidii aannu filaynay ugamuu hadal ee si guud mar ah ayuu uga hadlay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey su’aal Weriyeyaashu ka weyidiyeen sida uu Madaxweynaha Somaliland khudbaddiisa ugaga hadlay Horn Cable TV, waxa uu yidhi; “Horta intaa Cable TV uu kaga hadlay waxaan filayaa qoraalka ayaa loogu dhex tuuray ee wax ku tala-gal ah may ahayn, waayo maaha Hadal Madaxweyne, laakiin ciddii qoraalka samaysay ayaa ugu dhex-tuurtay sidaan filayo. Horn Cable TV, waa TV Somaliland laga leeyahay, waa TV bulshada reer Somaliland dibed iyo gudaba wax weyn ku soo kordhiyey, waa TV Somaliland uga hiiliyey TV-yada Soomaaliya laga leeyahay, dhalliisha Madaxweynuhu u jeediyey UCID ahaan waannu ka tacsiyadaynaynaa Bahda Horn Cable TV, waanannu hambalyeynaynaa Horn Cable iyo TV-yada kale ee Somaliland laga leeyahayba.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.