Xawaalada Soomaalida Minnesota oo maanta dib u bilaabay Lacag diris Xaddidan xayiraad la saaray ka dib

Minnesota-(Berberanews)- Xawaaladaha Somaaliyeed gobolka Minnisota ee Dalka Maraykaka, ayaa maanta shaqadoodii dib u bilaabanaaya, ka dib markii ay xiyirnaayeen illaa 30 kii bishii la soo dhaafay.

Xawaaladaha Maraykanka ku yaalla ayaa shaqada joojiyay ka dib markii ay Bangiyada ku yaalla Gobolka Minnesota ay diideen in ay akoontiyo ku yeeshaan Xawaaladuhu, iyaga oo ka cabsi qaba sharciyadda lagula dagaallamayo argagixisada ee dawladda Maraykanku dejisay

Bashiir Faaraxa Siyaad oo ka tirsan Guddiga Xawaaladaha ee Minnesota ayaa sheegay in howshani ay suuragal noqotay ka dib markii uu deddaalo sameeyay Guddigoodu, hase ahaatee, meelaha ay Lacagaha marinayaan yihiin Bangiyo yar-yar, isla markaana Lacagta ay diri karaan xaddidan tahay, kuna kooban tahay wax yar oo biil ahaan ay dadku ugu diri karaan eheladooda joogta Soomaaliya gudeheeda.

Dadka Soomaalida ah ee ku dhan dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobolka Minnesota, ayaa la arkayey iyaga oo maanta safaf ugu jira Xafiisyada Xawaaladaha Soomaalida, si ay lacag biilal ah ugu diraan eheladooda guda Soomaaliya ku sugan oo aanay muddo laba toddobaad ah wax Lacag ah u soo marin Xawaaladaha, xayiraadda ka dib.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.