Madaxwenaha Somaliland oo Khudbad Xasaasi ah Berri ka jeedinaya Fadhi Wada-jira oo uu ugu baaqay Golayaasha Baarlamanka

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kalfadhi wadajir ah oo aan caadi ahayn isugu yeedhay labada Gole Baarlamaan ee dalka (Wakiillada iyo Guurtida) maalinta Sabtida ee Berri. Halkaa soo la filayo inuu ka jeedin doono khudbad xasaasi ah.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn oo ka dhashay kulan Madaxweynuhu la yeeshay Shirguddoonka labada aqal, kadibna uu ka dalbaday inay isugu yeedhaan mudanayaasha Wakiillada iyo Guurtida, ayaan si cad loo ogayn ujeedada uu daaran yahay.

Haseyeeshee, qoraal yeedhmo ah oo shirguddoonnada Baarlamanku ku ogaysiinayaan mudanayaasha ka soo qaybgalka fadhiga la isugu yeedhay oo nuqullo ka mid ah warbaahintu heshay, waxa ku cad in kalfadhiga Madaxweynuhu dalbaday yahay fadhiga sannadlaha ah ee uu khudbaddiisa distooriga ah ka jeediyo.

“Sida ku cad qodobka 46aad faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo la tixgelinayo codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa la isugu yeedhayaa dhammaan mudanayaasha labada gole ee Jamhuuriyadda Somaliland (Wakiillada iyo Guurtida) kalfadhi aan caadi ahayn, si Madaxweynuhu ugu jeediyo labada gole khudbad-sannadeedka uu waajibiyey dastuurka Qaranka (Qod. 46aad Faq. 4aad) maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 14/01/2012, saacadduna tahay 9:00 subaxnimo.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal ogeysiis ah oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isugu yeedhayo mudanayaasha labada gole Baarlaman.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Mr. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Dheere), ayaa isaguna soo saaray shalay qoraal uu isugu yeedhayo mudanayaasha Guurtida, balse tafaasiil kale oo intaa dheer laguma sheegin.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn ee Madaxweynuhu isugu yeedhay labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa ku soo beegmay waqti xasaasi ah oo degmada Taleex ee Gobolka Sool lagaga dhawaaqay maamul-goboleed ku liddi ku ah madaxbannaanida Somaliland, waxana la filayaa in Madaxweyne-Siilaanyo uu inta badan khudbad-sannadeedkiisa kaga hadli doono arrintaas, laakiin ma cadda go’aanka uu goleyaasha la hortegi doono ee ku saabsan wax-ka-qabashada shirkaas lagu burburinayo qarannimada Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.