Alle Ha u Naxariistee Marxuum Waqaf oo aas Qaran loogu sammeeyay Hargeysa iyo Waxyaabihii lagu sifeeyay shakhsiyaddiisa

Hargeysa-(Berberanews)- Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo doraad ku geeriyooday dalka Malaysi oo uu muddooyinkii u danbeeyay hawlo caafimaad u joogay.
Marxuum Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo lagu aasay Xanaalaha Naaso-hablood ee Bariga magaalada Hargeysa waxa aas-kiisa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Wasiiradda Wasiirada Madaxtooyada, Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta , Duulista iyo Hawada iyo boqolaal ka mid ah Shacbiga ku nool caasimada Hargaysa.
Qaar ka mid ah madaxda qaranka ee ka soo qaybgalay aaska Marxuumka, ayaa ka hadlay shakhsiyadda Marxuum Aadan Maxamed Mire (Waqaf) iyo waxyaabaha lagu xasuusan doono, iyagoo Ilaahay uga baryay inuu naxariista janno ugu deeqo.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan (Cirro) ” oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay marxuunka shakhsi wadaniyad iyo dal jacayl leh isla markaana ku wanaagsanaa dhinaca Cibaadada, isagoo eebe uga baryay inuu Naxariistiisa balaadhan ka waraabiyo.
Gudoomiyaha Xisbiyada Talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in mudadii uu marxuunku ku jiray saaxada siyaasada somaliland uu mar kastaba door hogaamineed ka qaadan jiray xaaladaha adagi marka ay la soo darsaan qaranka.
Gudoomiyaha UCIDEng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhiniciisa ka sheegay inuu marxuunku ahaa shakhsiyaadka hal doorka u ah dhinaca siyaasada isla markaana ay Sannado badan soo wadaageen duruufo nololeed iyo mid siyaasadeedba waxaa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ilaahay uga baryay inuu marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano ugu deeqo Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.”
Marxuum Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano Alle ha ugu deeqee waxa uu Sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada hargaysa, isagoo aqoontiisii waxbarasho ku soo qaatay magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho, waxaa kale oo uu waxbarasho dibadeed oo ku wajahan dhinaca ciidamada ku soo qaatay dal weynihii la isku odhan jiray Midowga Soofyeeti.
Waxa uu marxuunku xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland isagoo mar ahaa Maayarka Magaalada Burco waxaa kale oo uu soo qabtay Jagooynka Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadii uu hogaaminayay Daahir Rayaale Kaahin waxaana xilka Wasiirka Gaashaandhiga laga Qaaday Sannadkii 2007-dii isagoo markaas kadib ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo uu ka noqday Gudoomiye ku xigeen isagoo jagadaas hayay ilaa dabayaaqadii kal hore.
ilaaahay ha u naxariistee marxuunka ayaa mudooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa waddanka Malaysia, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun.