Shirka Taleex oo Khilaaf hadheeyey iyo kala jab soo foodsaaray awgood hakad galay iyo xaaladda maanta

Taleex-(Berberanews)- Shirka loogu yeedhay Khaatumo 2 ee Beelaha Dhulbahante uga socday maalmahanba degmada Taleex ee gobolka Sool oo Shalay lagu go’aamiyey in maamul-goboleed Somaliland ka madax-bannaan lagaga dhawaaqo, ayaa fashilmay, isla markaana qarka u saaran inuu burburo, ka dib markii sida la sheegay uu maanta qabsoomi waayey.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya Taleex waxa maanta magaalada Hadheeyay qas iyo jaho- wareer ka dhashay dhawaaqii xalay oo ay ergadii shirka iyo dadweynaha magaaladuba ka biyo diideen kuna tilmaameen mid jujuub ah oo mijo xaabin kara shirkaasi.

Nin dhalinyaro ah oo ka cadhaysnaa shirka Taleex ayaa maanta toogasho ku dilay hal qof oo ka mid ah dad la sheegay inay taageersanaayeen hadaaqa ka soo baxay mid ka mid ah dadka wada shirka aan ajandaha lahayn ee Khaatumo 2.

Waxa kale oo mudaharaado, is rasaaseyn qalaasaha ka taagan magaalada Taleex ku dhaawacmay 11 qof siday faafisay shabakada Taleexmedia.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa hadaaqa ka soo yeedhay kooxdaasi ku tilmaamay hadal aan afka dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin, waxaanay sheegtay inaanay masiirka shacbiga ummadda go’aamin doonin ashkhaas ka timid dibadaha oo carari doona. Xukuumadda Somaliland waxay intaasi ku dartay in shacbiga Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari ay ka mid yihiin shacbiga Somaliland.

Dhulka ay Somaliland ka talisaa waa Xuduudihii ay lahayd wakhtigii Boqortooyada Ingiriisku gumaysan jirtay Somaliland, dhulkaas oo wakhtigaa Ingiriisku joogay la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, hase ahaatee, markii ay Somaliland 26 June sannadkii 1960-kii ay la midawday Koonfurtii Soomaaliya oo Taliyaanu gumaysan jiray 31-kii June 1960-kii, waxaana dhulkaa ka mid gobollada hadda SSC ay ugu yeedheen qolada Shirka Taleex ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo weliba guud ahaanba deegaannada hoos yimaadda gobolladaas.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.