Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadlay dhawaaqyada Shirka Taleex

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha urursiyaasadeedka Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa markii ugu horreysay ka hadlay maamul-goboleed shalay (dorrad) lagaga dhawaaqay shirkii ka socday Taleex.

Gudoomiyaha urursiyaasadeedka Wadani ahn gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo caawa xog-warran kooban siiyey Horn Cable-TV, ayaa sheegay inuu xududaha Somaliland si cad uga soo horjeedo ku dhawaaqida maamul-goboleed isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi “Anigu ka shaqsi ahaan iyo ka gole ahaan iyo ka qaran ahaanbaa waxaanu qabnaa in go’aan kasta oo ka soo horjeeda midnimada dhuleed iyo qarannimada Somaliland aanu ka soo horjeedno si cad.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha urursiyaasadeedka Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaanu inta sii raaciyey “Gobolada Sool, Sanaag, Cayn cid u gaara ma jirto oo hoggaan u gaari ma jirto oo shacabka Somaliland way wada degaan.Beeluhuna sidoodaba way tashan, laakiin waxay ka tashan karaan danahooda. Laakiin go’aan ku lidi ah qarannimada Somaliland iyo midnimadan Somaliland sid cad ayaanu uga soo horjeednaa kuna diidan nahay.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.