Ballan-qaadka Madaxweyne Siilaanyo, Cabashada Ganacsatada iyo Doodda Wasiirka Maaliyadda

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay labaataneeyo xubnood oo la sheegay inay ka Wakiil ka ahaayeena Ganacsatada waaweyn ee dalka oo toddobaadkanba  ka cabanayay cashuuro ay Wwasaaradda Maaliyaddu ku kordhisay Badeecadaha ay dalka dibeddiisa ka keenaan

Kulankaas oo aan Saxaafadda la ogaysiinin oo shalay gelinkii hore ka qabsoomay gudaha Madaxtooyada, ayaa markii uu dhamaaday ka dib Weriyeyaal ka socda Warbaahinta qaarkeed ayaa la kulmay Xubno ka tirsanaa qolada Madaxweynaha kulanka la yeeshay ee Ganacsatada matalayey. Waxaanay Weriyeyaasha u sheegeen inuu kulankaasi ka danbeeyey go’aan Ganacsatadu Madaxweynaha kaga codsatay inuu fursad u siiyo fadhi uu cabashadooda ku dhegaysto. Waxaanay intaa ku dareen Xubnahaasi in kulanka ay Madaxweynaha la yeesheen, goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda iyo Madaxtooyada. Waxaanay Xuseen inay Madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu u suurageliyey codsigooda hore oo ahaa inay kulan la yeeshaan. Waxay sheegeen in ay ganacsatadu halkaas ka soo jeedisay garnaqsi ay ku tilmaameen, dhakhliga, cashuuraha iyo macaashal-macaashka ee xukuumada uga soo xarooda ganacsatada iyo shirkadaha ka ganacsada saddexda badeecadood ee cashuurta lagu kordhiyey.

Waxa kale oo ay si cad u soo bandhigeen in haddii ay wasaaradda maaliyadu ku adkaysato go’aankan ujeedadu ay tahay mid lagu joojinayo saddexdaa badeecadood oo xadiga ugu badan laga keeno wadamada Yaman, Sucuudi Arabiya iyo Imaaraaadka, waxaanay taa daliil uga dhigeen dood ay sheegeen in wasiirka maaliyadu ku difaacayey cashuurta uu kordhiyey.Taas oo ay xuseen in nuxurkeedu ahaa in ujeeddada uu Wasiirku cashuurta ugu kordhiyey saddexdan badeecadooda, ay tahay iyada oo ay Xukuumaddu dedaal ugu jirto inay dhiirri-gelinayso Wershadaha waddaniga ah ee badeecadahaas dalka gudihiisa ka soo saara.

Ganacsatadu waxa ay kulankaa ka sheegeen in uu jiro tuhun ay ka qabaan xubno xukuumada ka mida oo duulaan ku ah ganacsigooda una hiilinaaya ganacsade uu tartaran ka dhexeeyo. Ganacsatadu waxa ay sheegeen in ay wakhtigan xukuumadu ka hesho saddexdaa badeecadood cashuur u dhiganta 10% dakhliga cashuuraha oo dhan ka soo xarooda. Sidaa awgeedna haddii ay Wasaaradda Maaliyaddu ku adkaysato go’aankeedan u hiilinaaya meherad keliya ama labada meheradood inay ku waayi doonto dakhligaas oo la hubo in aaanay kaa iyo mid u dhawtoona dabooli karayn.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hadalkiisa ku caddeeyey sida la sheegay ujeeddada rasmiga ah ee korordhsiimada ay ganacsatadu ka cabanayso waxaanu sheegay in aanu isagu awood u lahayn in uu cashuur kordhiyo, waxa la kordhiyaana aanay cashuur ahayn balse ay tahay wax loo yaqaano qiimaha(Value) qiimaha badeecada oo isbed-bedala taas oo ay wasaaradda maaliyadu xaq u leedahay laakin marka ay cashuurtahay waxa go’aamiya ayuu yidhi xukuumada iyo Baarlamaanka.

Xubnaha xog-warankan bixiyey ayaa siyaabo kala duwan, balse isku ujeedo ah u sheegay in ay dooda wasiirka maaliyadu ahayd midi-midi ku taag, iyaga oo taa ku sababaynaya xisaabtii ay soo bandhigeen ganacsatada ee dhinaca dakhliga, qiimaha badeecada iyo faa’iidada uu dalku ku qabo iyo xisaabtii uu soo bandhigay ee uu ku dedafaynaayey wasiirka maaliyadu oo aan xisaab ahaan kala fogayn, balse nuxur ahaan iyo natiijada dhaqaale ee ay dalka u leeyihiin aad u kala fogaa.

In ka mida xubnaha ganacsatada ee shirka ka qayb galay ayaa yidhi; “Aniga qof ahaan waxay ila tahay in ay ganacsatada reer jabuuti qaarkood weerarku yihiin nolosha iyo xasiloonida ganacsiga ee Somaliland ka jirta, waayo ganacsadaha maanta loo hiilinaayo ee uu go’aankani ka yimid xoolaynayaa isna waa reer Jabuuti waxaana la hubaa in hadii ay tani dhacdo oo ay ganacsatada badeecadahaasi ka ganacsataa meesha ka baxdo in ay xukuumaduna wax weyn ku waayi doonto taasina ay saamayn doonto dhakhliga yar ee ay xukuumadu ku maamusho adkaynta nabadgelyada iyo dhismaha dawlada.”

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay xukuumad ahaan dib isugu noqonayaan oo ay dib u eegayaan cabashadan ganacsatada ka timid, si dhakhso ahna looga jawaabi doono. Kulankan ayaa daba socda khilaaf maalmihii ugu danbeeyey u dhexeeya wasaaradda maaliyada iyo ganacsatada ka ganacsata badeecadaha laga soo waarido wadamada Yaman, Sucuudi Arabiyo iyo Imaaraadka, gaar ahaan saddexda badeecadood eek ala:- sharaabka, saabuunta adag iyo Ta budada ah, kaaas oo ka dhashay ka dib markii ay soo baxday in ay wasaaradda maaliyadu badeecadahaas ku kordhisay cashuur dheerada sida ay ku doodayaan ganacsatadu taas oo aakhirkii sababtay in ay ganacsatadu joojiso inay bixiso qiimahaa cusub ee wasaaradda maaliyadu ku soo rogtay, sidaa awgeedna mudo dhawr maalmood ahba ay dekeda berbera wadhan yihiin badeecadahaas oo la cashuuran waayey. Hase-yeeshee, dhinaca Xukuumadda ayaan laga soo saarin wax war ah oo kulankaa ku saabsan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.