Maamul-goboleed lagaga dhawaaqay Shirka Taleex

Taleex-(Berberanews)- Shir maalmahanba degmada Taleex gobolka Sool ee Somaliland uga socday Beelaha Dhulbahante ee la baxay Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), ayaa la sheegay inay maanta Ergooyinka ka qaybgala waxay go’aamiyeen in madashaa lagaga dhawaaqo Ismaamul-goboleed ka madax-bannaan dawladda Jamuuhiriyadda Somaliland oo halkaa ka talisa.

Ma jiro War rasmi ah oo illaa hadda shirkaa ka soo baxay oo sheegaya in maamul Somaliland gooni uga taagan lagaga dhawaaqay, hase, ahaatee, sida ay Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews u sheegeen qaar ka mid ah Ergooyinka Shirka Taleex goob-joog ka ahi, waxa maanta Shirkaas oo wejigiisii labaad galay lagu go’aamiyey in lagaga dhawaaqo maamul ka mid noqon doona maamullada tirada badan ee dalka Soomaaliya laga dhawaaqay lagaga dhawaaqi doono.

Wararku waxay intaa ku dareen in Ergada Shirka Taleex ka qaybgashay qodobkaa gooni-isu-taagga Maamul ay ku midaysan yihiin Beelaha Harti ee wada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ka madax-bannaan Somaliland iyo Puntland oo iyaduna quuddaraynaysay inay Beelahaasi ku biiraan maamulkeeda oo ay Somaliland ka goostaan. Maamulka la sheegay in maanta lagu go’aamiyey Shirka Taleex, ayaa la sheegay in halkaa la iskula qaatay in magaca Maamulkaasi noqdo SSC State.

Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaan weli iyagu ka hadal maamulkan la sheegay in maanta lagu go’aansaday Shirka Beelaha Dhulbahante uga socda Degmada Taleex ee Gobolka Sool. Waxaanu haddii lagaga dhabeeyo go’aanka Maamulka loogu yeedhi doono SSC State, saamayn ku yeelan doonaa Somaliland iyo Puntland, maaddaama oo marka horeba meelo ka mid ah Xuduudaha gobolka Sool iyo meelo kale ay isku haysteen Somaliland iyo Puntland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

[jsl3_fwf limit=”5″]