Somaliland oo Gaashaanka ku dhufatay Qorshe Dawladda Holland ku doonaysay inay dib ugu soo celiso Dadka reer Somaliland ee dalkeeda ku nool

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay qorshe ay dawladda Holland ku doonaysay inay dib ugu soo celiso dad reer Somaliland ah oo dalkeeda Qaxoonti ahaan ugu sugan, isla markaana waxay Xukuumaddu caddaysay inaanay dadkaa in dib loo soo celiyo wakhtigan raalli ka ahayn qorshe ay u haysaana jirin.

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan, ayaa Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews u xaqiijiyey inay diideen qorshe ay dawladda Netherland (Holland) ku doonaysay inay dad Somaliland u dhashay oo waddankeeda ku sugan dib ugu soo celiso dalkooda hooyo, hase ahaatee, ay u sheegeen inaanay wax albaab ah oo furan oo dadkaa laga soo galiyo dalkooda Somaliland haynin wakhtigan.

“Haa way jirtay qolo ka socota dawladda Holland oo qorshahaa ah in dadka reer Somaliland ee dalkooda ku nool dib loogu soo celiyo Somaliland noola timi, laakiin Wasaarad ahaan annaga oo Somaliland ka turjumayna Gaashaanka ayaannu ku dhufannay aqbalaadda qorshahaas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan oo Weriye ka tirsan Shabakadda wararka ee Berberanews caawa khadka taleefanka wax kaga weydiiyey jiritaanka arrintaa dadka Holland soo celinayso.

Wasiir Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay inay Dawladda Holland u sheegeen inaanu albaab Somaliland ka furan oo dad lagu soo celiyo iyo qorshe ay u hayaan wakhtigan dawlad ahaan jirin. Waxaanu Wasiirka Dib-u-dejinta oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waxaannu u sheegnay inaan Albaab furan oo dadkaa laga soo geliyo Somaliland wakhtigan aanay haynin, welina wax qorshe ah aanay u sammaynin. Waxa kale oo aannu u sheegnay inay Somaliland diyaar u tahay wixii wada shaqayn iyo xidhiidh ah ee ay Holland la yeelanayso, hase ahaatee, aanay wakhtigan suuragal ahayn in dadka reer Somaliland ee Netherland ku dhaqan dib loogu soo celiyo Somaliland, sidaas ayaanay dib ugu noqdeen Saraakiisha ka socday Holland.”

Dawlado ay ka mid yihiin Holland, Sweden, Ingiriiska iyo kuwo kale, ayaa la sheegay inay sannadihii u dambeeyey-ba qorshaynayeen sidii ay dib ugu soo celin lahaa dadka reer Somaliland ee dalalkooda ku sugan, maaddaama oo uu dalkooda Somaliland yahay mid nabadgelyo ah, isla markaana marba marka ka dambaysa tallaabooyin horumar u muuqda ku sii tallaabsanaya oo aanay la kiis ahayn dadka ka qaxay Waddanka Soomaaliya ee ay dagaalladu muddada labaatanka sano iyo dheeraadka ah aafeeyeen.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.