Baladweyne oo laga caydhiyey Al-Shabaab iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka

Baladweyne-(Berberanews)- Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa si buuxda maanta loogala wareegay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, oo ay sannadihii u dambeeyey ka talinaysay Al-Shabaab.

Ciidammo kala taabacsan maamulka Dooxada Shabeelle iyo kuwa Ahlusunna oo labaduba gacan-saar la leh dowladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya oo ay taageerayaan Ciidammo Itoobiyaan ahi, ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta mdegmada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday muddo lix saacadood ah ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo dhinacyada dagaallamay ka kala tirsanaa, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay ka baxeen degmada, inkastoo Afhayeen u hadlay uu sheegay inay qaybo degmada ka tirsan ku sugan yihiin.

“Ciidammada Itoobiya, kuwa Ahlusunna iyo kuwa Dooxada Shabelle ayaa ku sugan gudaha magaalada, xoogaggii Al-shabaab way ka baxeen magaalada.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge ku sugan Baladweyne oo warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay inay wakhtigan magaaladu daggan tahay oo aanu wax dagaal ahi ka socon, balse loo diiday shicibku inay guryahooda kasoo baxaan.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in dagaalka ay ka qaybgaleen illaa 1,000 Askari oo Itoobiyaan ah oo adeegsanayey Gaadiidka dagaalka iyadoo dadweynaha ku nool degmadaas ay xalay iyo illaa maanta ka barakacayeen degmada Baladweyne, waxaanu dagaalku saameyn ku yeeshay ganacsiga guud ee magaalada.

Col. Maxamed Nuur Caga-joog oo ka mid ah saraakiisha maamulka Dooxda Shabeelle ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan degmada Baladweyne, isla markaana qorshahoodu yahay inay weeraraan degmooyinka kale ee gobolka ee ay Al-shabaab ka taliso si ay guud ahaan gobolka Hiiraan gacan ku hayntiisa iyagu ula wareegaan.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka golaha fulinta ee Ahusunna, Aadan Cabdulle Cawaale oo Warbaahinta kula hadlay degmada Guriceel ayaa sheegay inay qayb ka yihiin dagaalka lagu qabsaday Baladweyne, Ciidammadooduna ay ka mid yihiin kuwa ku sugan degmadaas.

Ciidammada Itoobiya ayaa la sheegay inay dhex lugeynayaan magaalada Baladweyne iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay ee ay degmadaas qabsadaan tan iyo markii ay ka baxeen Soomaaliya sannadkii 2009.

Al-Shabaab ayaa dhawrkii sano ee u dambeeyey iyagu ka talinayey magaalada Baladweyne iyo degmooyin badan oo hoos yimaaddo iyo kuwo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.