Boqollaal dadweyne ah oo ku hungoobay dhakhaatiir Iraniyiin ah oo Cisbitaalka Hargeysa shaqo tabarucaada ka fulinaya iyo Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay

Hargeysa (Berberanews)- Boqollaal qoys oo dan yar u badan, ayaa ku hungoobay dhakhaatiir u dhashay dalka Iran oo hawlo caafimaad oo tabarucaada ka bilaabay cisbitaalla Guud ee Hargeysa ka dib markii hawlwadeennada dhakhtarku ku wargeliyaan inuu qof kastaa bixiyo lacag dhan $10 oo diiwaangelin ah.

Dadweynahan danyarta u badan oo u soo huleelay inay addeegyo caafimaad ka helaan dhakhaatiirta u dhashay Iran oo todobaadkii hore dhammaadkiisa dalka yimi si ay hawlo caafimaad oo bilaasha ugu fidiyaan shacabka Somaliland, kuwaasoo Masuulliyiinta dawladda iyo Maamulka Cisbitaalkuba bulshada ku wargeliyeen inay ka faa’iidaystaan addeegyada caafimaad ee dhakhaatiirta ajaanibka ahi bixinayaan.

 

Haseyeeshee hawlwadeedana Caafimaadka Cusbitaalka, ayaa boqollaal dadweyne ah ka qaaday lacag sharci daro ah oo qofkiiba lagu diiwaangeliyay $10 doollar, taasoo ay bixiyeen dadkii goobta joogay intii awoodi karaysay, balse waxa arriuntaas ka gaddooday boqollaal bukaan-socod haween u badan oo ku dooday inaanay awoodin lacagtaas.

Qaar ka mid ah haweenkaas oo Weriye ka tirsan shebekadda Berberanews wax ka weydiiyay cabashooda, ayaa waxa ka mid ahaa hadalladooda sidan; ““Hooyo waan xannuunsanayaa, telefiishankaan ka arkay oo nalooga yeedhay oo waxa la yidhi waa lacag la’aan. Eedaankii saakaan imikana waa kaasoo meel aan u dhaqaaqaa ma jirto, oo xataa waxaan bas ku raaco oo aan gurigaygii ku tago ma haysto, waxaanay leeyihiin lacag baa la bixinayaa,” sidaa waxa tidhi Hooyo da’a ah.

Xamda Cabdillaahi Warsamme oo haweenkaas ka mid ahayd, ayaa waxay tidhi, “Markii hore waxa nalagu yidhi waa bilaash baadhitaanka iyo dawaduba, imikana waxa nalagu yidhi $10 dollar oo lacag ah keena, anaguna dan yar baanu nahay oo ma haysano.”

“Anigoo ka mid ah shacabka halkan ku dhibaataysan, oo qaarkood macaan leeyihiin xaaladooduna liidato oo gaadiid lagu keenay cisbitaalka, iyadoo ay sidaa tahay ayay maamulkii cisbitaalku na leeyihiin ‘askar baanu idiin dalban, xafiis la fadhiyaana ma jiro, iyagaa saxaafadda nooga yeedhay, dee markaa miyaan Islaamninno jirin, waxaanay nagu xidheen lacag $10 dolar ah, horena waxay noogu sheegeen inuu yahay tabarucaad ay inoogu deeqeen dhakhaatiir Iran u dhashay.immikana ciidammaa naloo dalbanayaa oo tukhaantukhay nagu dileen.” Sidaa waxa tidhi hooyo da’a ah oo ku hunguwday ballanqaadkii loo sammeeyay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo goor danbe soo gaadhay Cisbitaalka Guud ee cabashadu ka dhacday, ayaa dadweynaha cabashada sammeeyay oo uu cisbitaalka dhexdiisa kula hadlay ka raalligeliyay gefka lagula kacay, waxaannu ammar ku bixiyay in loo celiyo dadkii lacagta laga qaaday.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com