Maayarka caasimada Beijing oo si diiran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo

Beijing (Berberanews) Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Xukuumadda Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo socdaal booqasho todobaadyo ah ugu baxaya  shalay Jimcihii 16 Dec, 2011, dalka china ayaa maanta ka degey xarunta Caasimada dalkaa ee Beijing.  sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Xisbiga Kulmiye qaybtiisa waxrbaahinta ee Magaalada Hargeysa.

Xubnaha wefdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxay ka degeen madaarka Caalamiga ah ee international airport ka Beijing, waxaana halkaa si farxad leh ugu soo  dhaweeyey madax sare oo ka socotay  dowlada china, kuwaas  oo ay ku jiraan Maayarka caasimada Beijing Mr: Dong iyo saraakiil sare oo ka socotay  xisbiga talada wadankaa haya ee loo yaqaan  China communist party.

Sidoo kale wefdiga Kulmiye waxa halkaa kusoo dhoweeyay oo weheliyay masuuliyiinta soo dhowaysay  ganacsato waawayn oo ah kuwa maamula shirkadaha waaweyn ee dalka China

.

 Dhinaca kalena kooxo ka socday  dhalinyarada  waxbarashada u joogaa dalkaa iyo xubno ka socday  jahliyada reer somaliland ee dagan wadanka china ayaa ka qayb qaatay soo dhowaynta wefdiga, waxaana xubnahaa wefdiga loo gelbiyay Huteel loo qorsheeyay, iyadoo ay sida lagu sheegay qoraalkaa kooban ee kasoo baxay safarkooda casho sharaf loo sameeyay wefdiga Kulmiye eek u sugan China.

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ay safarkaa ku weheliyaan Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin; Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah  Afhayeenka xisbiga iyo Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbiga, waxay mudada ay halkaa joogaan kulamo la yeelayaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalka china, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan xisbiga China communist party.