Kenya oo sheegtay inay duqaynayso magaalooyin badan oo qaar Muqdisho ku dul-yaallaan iyo digniin ay shacabka u dirtay

Nairobi-(Berberanews)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ku weerari doonto Al-Shabaab meelo fog oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Waxaanay shacabka uga digtay inay ka fogaadaan goobaha ay Al-Shabaab ku sugan tahay.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Millateriga ee Kenya, Colonel Cyrus Oguna, ayaa sheegay in weerarrada meelaha ay ku qaadi doonaan ay ku jirto magaalada Afgooye. Afgooye oo u dhaw magaalada Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa waxa ku nool kumannaan dad ah oo ku barakacay dagaallada iyo abaaraha ka jira dalka soomaaliya soo barakacay.

Waxaa kale oo ay sheegtay dawladda Kenya inay weereri doonaan magaalooyinka Dekedaha leh ee ay Kooxda Al-Shabaab ka taliso.

Afhayeenka Kenya u hadlay Millateriga waddanka Kenya waxa uu uga digay dadka rayidka ah inay ka fogaadaan meelaha ay Al-Shabaab ka hawlgalaan, si ay uga badbaadaan duqaymaha kala duwan ee ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka fulin doonaan deegaannadaas.

Tan iyo markii Kenya ay weerarka ku qaadday Al-Shabaab laba bilood ka hor, dayaaradaha dagaalka ee Kenya waxay garaaceen goobo la sheegay inay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo Ciidan.

Ciidanka Kenya waxa ay Koonfurta Soomaaliya ka joogaan saddex goobbood, laakiin wax horumar weyn ah kamay sameyn tan iyo markii halkaasi la geeyay badhtamihii bishii Oktoobar ee sannadkan, inkasta oo ay jiraan sheegashooyin badan oo Kenya ay ku doodday inay ku wiiqday cudduddii Millateri ee Malleeshiyada Al-Shabaab.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland

Email.info@berberanews.com