Dr. Gabboose oo ka hadlay dhibaatooyin dalka iyo dadka ku baahay oo uu afka ka dhawri jiray muddadii uu Wasiirka ahaa

“Waddo-xumada jirta awgeed, Anigaygan idin la hadlayaa oo Wasiirkii ugu cuslaa Dawladdan ka ahaa intaan hog ku kufay oo gaadhigu ila dhacay ayaan ku sigtay in aan ku dhinto.” Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMADDA ee dhawaan lagu dhawaaqay Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), ayaa daboolka ka qaaday dhibaatooyin baahsani haystaa dhalinyarada Jaamacadaha ka baxda ee reer Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in laga seexday wax-ka qabashada waddooyinka baaba’ay ee dalka. kuwaasoo aanu marna ka hadal muddadii uu Wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee talada dalka haysa.

Dr. Gaboose waxa uu ka sheekeeyey dhibaato kala soo kulantay wakhtigii uu Wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dhawr bilood ka hor jid-xumada Somaliland ka jirta oo uu sheegay inuu ku dhiman gaadhay Shil Baabuur isagoo Wasiirkii gudaha ah. Dr. Gaboose mar uu ka hadlayey dhibaatooyinka dhalinyarada Somaliland, waxa uu yidhi; “Dhibaato ayaa haysta dhalinyaraddeena, taasoo ay ka mid tahay Waalidka ku soo tabcay ayaa ubadkoodii shaqo la’aan, Tahriib iyo isla-hadal qaarkood dalalka ku lumiyaan. Bani’aadamku meel uu ka xumaado waxa ugu xun garaadka, dalkeenna shaqadii way taallaa, Xoolihii way yaallaan, Biyihii way yaallaan, waxaan Illaahay ka baryayaa inuu inna garansiiyo.”

Gudoomiyaha Ururka UMADDA Dr Gaboose oo shalay Xaflad ugu sameeyey Huteel Kaah ee magaalada Hargeysa Dhalinyarada Jaamacadaha ka baxday, waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka Waddo-xumo ee ka jira dalka Somaliland, waxaanu xusay in laga seexday wax-ka qabashadooda, isaga oo dhawr bilood ka hor ka mid ahaa Wasiirrada Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka ahaa Wasiirkii ugu awoodda badnaa ee arrimaha gudaha iyo amniga dalka.  “Anigaygan idin la hadlayaa oo Wasiirkii ugu cuslaa Dawladdan ka ahaa intaan hog ku kufay oo gaadhigu ila dhacay ayaan ku sigtay in aan ku dhinto.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

“Waxa la doonayaa in Doorashadan soo socotaa noqoto Doorashadii Aqoonta iyo horumarka, idinka oo aan noqon ka-la adeegsanayo ee noqda ka mabda’a leh, waxaan idinkula talinayaa qof waloowba in maalinta aad Sanduuqa ku ridayso codka aad ka fikirto Mustaqbalka oo aad ogaataa Gabadha waddada ku dhimata inaad masuul ka tahay.” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdi Gabboose.

Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dhalinyarada Jaamacadaha dalka ka baxay ay bilaa shaqo noqdaan, waxaanu sheegay inay jiraan dad dhammeeyay Jaamacadaha dalka, ka dibna markii ay waayeen wax shaqo ah ay Waasheen in badan oo ka mid ahi. Gaboose oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Adigoo awoodda dalka aad u tahriibaysid talo aad wax ku qaadanayso inaad ku bad baadiso tan, adigoo awooda inaad maalinta aad Jaamacadda dhammayso aad mugdi u soo baxdo, waayo Hablihii iyo Innamadii Jaamacadda ka baxay guryaha ayey joogaan oo ay faraha iskula hadlayaan.” Dr. Gabboose oo Xukuumadda Siilaanyo muddo sannad ah ka ahaa Wasiirkii ugu culus ee Arrimaha gudaha dhibaatooyinka baahsan ee uu hadda oo uu xilka dhawr bilood ka sii maqnaa ka hadlay lama maqal mar qudha isaga oo arrimahaas ka hadlaya.

 Xigasho Wargeyska Ogaal.