Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay qaabka loo kala xulayo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka UDUB iyo shuruudaha ay ku xidheen

“Dhawr jeer ayaannu la hadalnay Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada, si uu Madaxweynaha noogu ballamiyo may dhicin oo waannu ku hugoownay, wax jawaabana muu nagu soo celin…” Md. Axmed Yuusuf YaasiinHargeysa-(Berberanews)- “Anigu tayda hore ayaan u sheegay haddii kubbad la ciyaarayo oo la waayo ninka Siidhiga u haya dee kubadu qabsoomi mayso, markii Boqol Baar-qab ay iskugu yimaddeen Xisbigana anigu waxaan idhi aan noqdo kii siidhiga idiin hayay ee idinku wada ciyaaraha, markaa anigu musharrax ma ihi.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB.

Guddoomiye Ku-xigeenka UDUB ahana ku-simaha Guddomiyaha Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews, waxa uu ka warramay qaabka loo kala xulayo musharrixiinta Xisbigooda ee doonaya inay UDUB uga dhex-tartamaan jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Xisbigu yeelan doono, Xeerka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Arbacadii dhaqangeliyey ee Xeer 14 oo ah ka doorashooyinka, dhibaatooyinka uu Somaliland ku yeelan karo iyo qodobbo kale oo Xiiso badan. “Madaxweyne Silaayo waa raggii ku dagaallamaayey in la soo horraysiiyo doorashada Golaha Degaanka markii aannu xukunka haynay, xukunkii ayuu la wareegay dabadeed wuxuu keenay tii uu ka dagallamayey oo isagu wuxuu is leeyahay sidan ayay kuugu badinaysaa. Markaa, Anigu waxaan u arkaa inuu isleeyahay Golaha Wakiilladdu yaanu kaa hor iman oo waxa Xeer loo sameeyaa waa mustaqbal, oo hadday Xildhibaannadu marba ay meel u guuraan oo Xusbi kabbaxaan oo ay noqdaan jaantaa roggan, sababta oo ah Xeerkaas cawaaqibkiisu maaha maanta ee Berrito ayuu imanayaa,  oo waxa imanaya Gole kale iyo Gole  Degaan, Wakiillo, Xeerna waxa loo sameeyaa waa mustaqbal.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka UDUB.

Waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Annagu wixii Xeerkaa ka yimaadda ee dhibaato ah la gali mayno ee waxa la god-galaya ninkii ansixiyay, oo marka labada Gole isa-soo dhaafiyaan Xeerka qalinka ugu danbeeya waxa Ansixiyaa waa Madaxweynaha marka uu eego ee yidhaahdo; ‘Ummadda masllaxaad ma u yahay’ maalintii dhawayd ee Madaxweynuhu uu ansixiyay Xeer 14aad, haddana laba qodob ayuu u diray  Wakiillada oo yidhi waan kabayaa, maalintaas waxaan idhi labadaas qodob waxa ku hoos jira wax kale, laba qodob oo Wakiilo lagu celiyo may ahayn, wixii ku hoos-jirayna maanta ayuu soo baxay.”

“Haddii la yidhi Xildhibaanku sida uu doono ha u socdo dee wataa maanta Guddoomiyihii Barlamaanku uu furtay Ururka oo wuxuu ka sooo baxay Xusbi Qaran oo jira. Guddoomiyaha  Wakiilladu waa ka u dhaxeeya Xusbiyada ee u garqaada oo wuxuu u taagan yahay heer Qaran dee wakaa Urur Furtay, markii Xeerkaas la jabiyay ayey tani timid. Xildhibaannada qaarbaa annaga warqad noo soo qoray oo nagu yidhi waanu ka baxnay Xisbigiinnii. Guddoomiye Cirro waxay ahayd intuu xilka ka dego inuu Xisbigiisa iska wato. Waxaan is lahaa Xeerkii aad samayseen 2000, oo laga joogo 12-sano, Xeerka hadda la waday wuxuu noqonayaa Xeer ka adag kinnii hore, laakiin wuxuu noqday Xeer lagu hungoobay, oo waxaan islahaa Golaha Gurtida ayaa iyagu xisbina ku jirin oo eegaaya danta Qarankee, nasiib-darro iyaguna may eegin dantii Qaranka.”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa immika dhibaato noqon kara ee ka dhalan dhaqangelinta Xeerkaas, wxa uu yidhi; “Haddii arrinku sidaa u dhacay oo la yidhi Xildhibaan Xisbi ku jiraa ma jiro ee halka uu doono ayuu tagayaa Xisbi jagadii soo buuxsanayaana ma jiro, maxaabaynu UDUB, KULMIYE, UCID iyo Ururro uga baahannay? Waxaan leeyahy xeerkaasi waa xeer guul-darraystay oo aan inna nafacayn mustaqbalka oo Xildhibaanka iyo Xisbi isku xidhnaanaya ma jiri doono.”

Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin oo la weydiiyey sida uu u arko hadalhaynta jirta ee ah in golaha Xukuumadda iyo Golayaashii sharci-dejinta dalku isku milmeen oo waxa ay Xukuumaddu wadato gole diidayaa jirin, waxay golayaashu wataanna xukuumad diidaysaa jirin iyo wakhtigii ay xilka hayeen oo la odhan jiray Golayaasha dalku way kala fadhiyaan oo ma wada shaqeeyaan, waxa uu ku jawaabay; “Horta Golayaasha Qaranku waa saddex awoodood oo is celiya markay isku milmaan waxay isku noqdaan hal Xisbi, wakhtigayagii  annagu waxaannu isku haynay waxay ahayd shuruuc, markay iska soo horjeestaan Golayaasha Qaranku ee uu midba mid ilaalinayo ayey danta Ummaddu ku jirtaa. Annagu waannu wada shaqayn jirnay oo cadaawad nagama ahayn ee sharciga la sameeyay waa in laga daba saxeexaa,  waxaanu isku haynay sharci.”

“Xeerkan Immika cilladdiisu noqon mayso ee wixii tan ka danbeeya ayey imanaysaa oo immika Doorashadii degaanku waa gaba-gabo iyaga Golaha Wakiillada ee immika fadhiya toodiina waxba kama hadhin, markaa dhibaatada ka iman kartaa waxa ka masuula maamulka maanta jooga, Xildhibaannadan Baarlamanka ee maanta guur-guurayaana berr-ba wuu ka dhammaan wakhtigu inta u hadhayna guurguurkaba haku jiraan.”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md, Axmed Yuusuf Yaasiin oo la weydiiyey baaqyada iyo hadallada ay warbaahinta mucaarid ahaan marinayaan marka laga yimaaddo inay marna Xeerkaas waxa ay ku diiddan yihiin Madaxweynaha kala hadleen si foolka-fool ah, waxa uu yidhi; “Dhawr jeer ayaannu la hadalnay Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada, si uu Madaxweynaha noogu ballamiyo may dhicin oo waannu ku hugoownay, oo wixii aannu ka dalbanayna wax jawaaba nagagumuu soo celin, Aniga ayaa saddex jeer la hadlay Madaxa baratakoolka Madaxtooyada.”

Xisbiga UDUB ayaa Arbacadii qoraal ka soo baxay lagu sheegay in Musharrixiinta damac ka hayo inay Xisbiga dhexdiisa ugu tartamaan jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka inay Codsiyadooda iyo CV-yadooda muddo shan iyo toban cisho Xisbiga ugu gudbiyaan. Sidaa daraaddeed, Gebagabadii Waraysigaa waxa Guddoomiye Ku-xigeenka UDUB, ahna ku-simaha Guddoomiyaha la weydiiyey tirada musharrixiinta, xilliga la kala saarayo iyo in isaga laftiisu uu ku jiro ragga jagooyinkaas hungurigu kaga jiro inay ku loollamaan, waxa uu ku jawaabay Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu yidhi; “Horta Xisbigu wuxuu noqday wada qoodh oo waxaan filayaa inuu Xisbigayaga uu ku dhan yahay midhihii waddanku lahaa. Marka Boqol Baar-qab Xero la iskugu geeyo  haddii la kala furdaamin waayo aakhirka iyaga ayaa is cuna. Markaa, Guddiga Fulinta Xisbigu waxay baaqday oo raggaa na dawakhiyay ee leh musharrixiin baannu nahay inay soo xareeyaan Siisiyadooda(V,C), Guddigu wuu kala safeynayaa oo aad baannu u adkaynay shuruudaha, oo Ragga isu soo hadha Sannadka danbe waxa loo qabanayaa shir weyne lagu kala reebaayo, wixii aan buuxin shurudahaas aannu ku xidhnay way iska hadhayaan, si Xisbigu u yeesho musharraxa Mustaqbalka ah doorashooyinka Madaxtinnimada ugu tartama.”

“Anigu tayda hore ayaan u sheegay haddii kubbad la ciyaarayo oo la waayo ninka Siidhiga u haya dee kubadu qabsoomi mayso, markii Boqol Baar-qab ay iskugu yimaddeen Xisbigana anigu waxaan idhi aan noqdo kii siidhiga idiin hayay ee idinku wada ciyaaraha, markaa anigu musharrax ma ihi.” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Ku-xigeenka Guddoomiyaha UDUB, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland

Email.info@berberanews.com