Tirada dadka ku dhaawacmay Muddaharaad maanta ka dhacay magaalada Gabilay iyo ujeeddada keentay

Gabiley-(Berberanews)- Ugu yaraan saddex qof ayaa  ku dhaawacmay muddaharaad maanta ka dhacay Magaalada Gabiley, kaasoo lagaga soo horjeeday xadhiga Sallaadiin iyo Cuqaal  u xidhan dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Seemaal oo u dhexeeya Gabiley iyo Bakil.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa  in xaaladooda caafimaad aad u liidato, iyadoo lagu daweynayo cisbitaalka guud ee Magaalada  Gabiley. Mudaharaadkan oo ay ka qaybgaleen dadweyne u badnaa dhalinyaro iyo haween markii hore waxa uu ka bilaabmay meel u dhaw  saylada xoolaha, iyadoo uu markii dambe ku fiday qaar ka mid ah xaafadaha  kale ee magaalada, waxaana ay taasi sababtay in ciidamada sida gaarka ah u tabobbaran ee SPU ay rasaas ku fureen mudaharaadayaasha, ka dib markii ay ku guuldaraysteen inay  u kala diraan si fudud.

Waxa kale, oo la xidhay dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa  tobaneeyo qof, waxaana ciidamada boolisku ku raad joogaan tiro kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaayeen abaabulka mudaharaadka, laakiin aan  weli gacanta lagu  dhigin.

Dhinaca kale, masuuliyiinta dawlada ee Gobolkaas ayaan ka hadal falalkan mudahaaradada ah ee ay ku dhaawacmeen dadku, iyadoo Badhasaabka Gabiley uu ku sugan yahay deegaankii dhawaan dilku ka dhacay, halkaasoo ay wefti Xukuumadda ka tirsani socdaal ku tageen.

 Magacyada dadka dhaawacmay:

1-       Xasan Cabdilaahi Guuleed

2-       Cismaan Cabdi Kosofo

3-       Nuura

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.