Isbahaysiga Mucaaridka Djibouti oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo waaweyn oo loogu baroor-diiqayo dadka waxyeelada iyo tacadigu ka soo gaadhay xukuumadda Madaxweyne Geelle

Djibouti, 16,Dec,2011-(Berberanews)- Ururka Isbahaysiga Mucaaridka Djibouti (UAD), ayaa ku dhawaaqay bannaanbaxyo waaweyn oo ay todobaadkan gudihiisa ka dhigayaan magaallooyinka Bruxelles,Paris, Ottawa iyo caasimadda Djibouti, kaasoo loogu baroordiiqayo dhammaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

War-saxaafadeed ku qoran luuqadaha Ingiriisiga iyo Faransiiska oo ka soo baxay Hoggaanka ururka UAD, oo uu soo saaray Afhayeenka urukaas Axmed Rayaale, ayaa lagu sheegay in 18, Decemebre, 2011 loo aqoonsaday Maalinta Qaranka Dhibanayaasha Djibouti (NATIONAL DAY OF ALL VICTIMS DJIBOUTI), laguna soo bandhigi doono diiwaangelinta dhammaan dadka xukuumadda Madaxweyne Geelle tacadiyadda kala duwan u geysatay. “18, December, 2011 waxa lagu dhawaaqay in loo aqoonsado Maalinta Qaranka dhammaan Dhibbanayaasha Djibouti, iyadoo laysu keeni doono dhammaan dadka dhibaatadu ka soo gaadhay xukuumaddda Keli-taliska. Dhibbanayaasha xasuuqii Arxiba waxay kala kulmeen jidh-dil iyo wax bini’aadanimmada ka baxsan iyo dilka amma waayitaanka hogaamiyayaal mucaaridah Djibouti ah tan iyo intii Djouti madaxtinimada qaadatay illaa maanta.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaas.

Mucaaridka UAD waxay sheegeen in xubnaha hoggaanka ururku inay dadka ku wacyigelin doonaan ka qaybgalka xuskan, “UAD waxay u bixi doonaan magaallooyinka si ay dadka ugu dhiirigeliyaan inay dariiqyada isugu soo baxaan oo ay ka qaybqaataan xuska maalinta taariikhiga ah, taasoo ay waajib tahay xuska iyo isku xidhnaanta dhammaan shacabka Djibouti oo loogu baaqayo inay ka soo qaybgalaan.”

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in go’aanka xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ciidammada ugu dirayso Somalia yahay mid lagu farogeliyay madaxbannaanida dalka Somalia, “Sida aanu xogta ku hayno ciidammada Somalia loo dirayo, Fikirka qaranka Djibouti kuma midaysna, kaasoo ciidammadayada lagu gelinayo qorshe is-miidaamin ah, oo xataa aanay ogayn sababta loo geynayo, anagoo taas tixgelinayna waxaannu si cad u sheegaynaa inay tahay farogelin arrimaha gudaha qaranka Somalia iyo shacabkooda.”ayaa lagu yidhi

War-saxaaafadeedkaas ka soo baxay mucaaridka waxa kale, oo lagaga dayriyay xaaladda duruufo adag oo haysta dadka reer Djibouti, gaar ahaan addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sida caafimaadka, biyaha iyo laydhka.

Waxa kale, oo ay Ururka UAD soo saareen magacyo iyo telefoono lagala xidhiidhi karo qabanqaabiyayaasha xuska ay shaaciyeen oo ku sugan gudaha Djibouti waxaanay kala yihiin sidan;

  1. Cismacil Geedi Xareed Tel 00 253 82 99 99
  2. Farah Abadid Hildid    Tel 00 253 61 24 52
  3. Huseen Robe  Dhabar Tel 00253 88 99 21

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@Berberanews.com