Dadweynaha ku dhaqan magaalada Sheekh ee Gobolka Saaxil oo la ildaran dhaxantii ugu darnayd ee muddo dheer soo marta iyo Qiimaha girgirayaasha iyo dhuxusha oo cirka isku shareeray

Sheekh-16,Dec,2011-(Berberanews)- Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil waxay ku taallaa dhul buuralay ah oo jooggiisu badda ka sarreeyo 1200ft, Ilaahayna ku manaystay dhul cagaara oo dalxiiska ku wacan, ayaa inta badan waxay ku caan tahay qabow iyo ceeryaan ka dhaca bilaha November iyo December. Haseyeeshee dadweynaha ku dhaqan Sheekh waxay la il-daranyihiin dhaxan iyo ceeryaan iswata oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay aanay arag.

Suuqyada magaalada waxaad ku arkaysaa dad tiro yar oo dhex maraya xiliga maalintii, halka goobihii caweyska iy  suuqyada ganacsiga oo noqday meelo cidlo ah oo dhaxan darteed looga yaacay.

Dadweynaha Degmadan ku nooli waxay habeen iyo maalinba xidhanyihiin dharka qaboobaha  sida koodhadhka iyo koofiyadaha dhaxanta oo ah badeecada suuqyada soo buuxisa xiliga qaboobaha, oo aad moodaysi dalalka Yurub ee barafku hadheeyay.

Qiimaha kiishka dhuxusha ayaa cirka isku shareeray, waxaa si xawliya u kordhay iibsiga girgirayaasha dabka oo aad ku arkayso guryahay, goobaha ganacsiga, makhaayadaha iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulanto.

Ciiryaanta qoyan ee ku socota jooga gaaban ayaad arkaysaa oo qoynaysa huga dadku xidhan yihiin gaar ahaan saacadaha habeenimada,halka laambadaha iyo nalanka aad ka arkeyso nuurka oo kor u baxaya iyo muuqaalka qiiqa la moodo ee ku xidhan.

Wadada Dawga Sheekh ee duleedka magaalada ayaad arkaysaa gaadiidka oo hadhka galay laydhka shidaya iyagoo xiliga habeenkii isticmaala laydhka hurdiga qaarkoodna ay indhaha baabuurka mariyaan xaydha indhaha hore si ay uga taxadiran shilka ceeryaantu isu qariso gaadiidka kale.

 

Dadka qaadka cuna ayaa iyagu gaboodsada isla markana ku xoojiya girgiraha dhuxusha ku camiran maalin iyo habeenba inat qayiyalaan, halka ay qaarkalena fadhiyaan meelo  falaadhaha cadceeda kuso mudhuxsato.

Qabowgan oo si gaara u saameeyay dadka xiskooda Ilaahay ka qaaday oo iyagu hoy ka dhigtay cidlada iyo goobaha xashiishka lagu daadiyo, ayay qaar ka mid ah dadka reer Sheekh ayaa Qabowgan xad dhaafka ah oo muddo dheer aan ka dhicin deegaanku ku sheegeen mid ka turjumaya qabowgii xiliyadii hore lagu yaqaaney deegaanka sheekh,mudo dheerna aanu soo marin wakhtiyadan dambe xiliga maalinta ayey adagtay si aad muuqalka cadceeda uga bogan karto.


Qoysas badan oo ka soo xaggaa baxay magaalada Berbera, muddooyinkii u danbeeyaynka degannaa magaalada oo ay degeen, ayaa haatan ayaa haatan dib ugu guuray magaaladii ay xaggaaga uga so gureen, iyagoo u adkaysan waayay qabowga.

Culimada masaajiida ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimi jamaca salaadaha,gaar ahaan salaada subax  oo dhaxanta ugu badani dhacdom, sidoo kale dadka subaxa hore aada goobaha shaqada ayaa iyaguna la ildaran xaaladda qabowga ay iswaajahaan.

Ardayda dugsiyada iyo macalimiinta ayaa waxay fooda ku dhuftaan qabow xoogan oo kala kulma masaafad dheer oo ay usii maran dugsiyada dhexeiyo sare ee magaalada dhinaceeda waqooyi.

Waxa hubaal ah in muuqalkani uu xusuus ku ridayo qofkasta oo ka mid ahaa bahdii waxbarashada Sheekh oo ay wakhti isa soo waajaheen cimiladanqabowga iyo qoyaanka badan.

Mxamed xusen ciise (Qamari)

   Berberanews/ Degmada sheekh