Al-shabaab oo hanjabaado culus u jeedisay Jabuuti oo ciidammo badan u diraysa Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta inta badan gobollada koonfurta Soomaaliya, ayaa hanjabaad culus u jeediyey Dawladda Jabuuti, ka dib markii  ayaa khamiistii Jabuuti shaacisay inay 850 oo ciidamadeeda ka mid ah u dirayso Soomaaliya si ay uga mid noqdaan AMISOM,  Kooxda Al-shabaab ayaa arrintaas si adag uga jawaabtay, iyagoo uga digay Jabuuti inay ciidamadeedu noqdaan xaabo dabka lagu shito.

Afhayeenka Kooxda Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Jabuuti uga digayaan inay ciidamadeeda ku biiriso AMISOM, haddii kale ay la kulmi doonaan wixii ay la kulmeen ciidamadii kasoo horjeeday.

“Jabuuti waxay sheegi jirtay inaanay wax lug ah ku lahayn dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, balse waxay maanta caddeysatay inay la safatay cadawga Islaamka, oo ay saldhigyo kasoo duulaan diyaaradaha dagaalka siisay reer galbeedka,” ayuu ku hanjabayAfhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, Cali Dheere wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay cid walba oo kusoo biirta AMISOM ay la dagaalamayaan, isagoo tilmaamay in tiro kasta oo ciidammo ah ay ku filan yihiin oo ay u geysan doonaan khasaare.

“Waxaan uga digaynaa shacabka Jabuuti inay wiilashooda u soo diraan halkan si looga dhigto xaabo dabka lagu shito, haddii kale maalin aan maanta ahayn ayay ka shaleyn doonaan,” ayuu hanjabaadiisa sii raaciyay afhayeenka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, isagoo rejo ka muujiyay inay ka hirgelin doonaan Soomaaliya oo dhan ku dhaqanka sharciga Islaamka.

Dowladda dalka Jabuuti ayaa ku jirtay diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ay ku qalabeynayso cutub ciidamadeeda ka mid ah oo ay sheegtay inay u dirayso Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.