Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo Farta ku fiiqay cawaaqib-xummo ka dhalan doonta Go’aanka Madaxweyne Silaanyo ku saxeexay wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka

 Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay cawaaqib xummo uu sheeg

ay inay ka dhalan doonto go’aanka Madaxweynaha Somaliland ku saxeexay wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo axsaabta ee Xeer.No,14 oo labada Gole Baarlammaan isku raaceen wax-ka-bedelkiisa.

Md. Yaasiin waxa uu sheegay in Wax-ka-bedelka Xeer No.14 ujeedada ka danbaysaa salka ku hayso mid uu Madaxweyne Silaanyo iskaga xijaabayo mucaaridad kasta oo Golaha Wakiillada kaga iman karta iyo saadhk mudanayaashu isleekaysiyeen oo ay siday doonaan ka yeelaan, waxaannu tusaale u soo qaatay Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku sheegay in looga baahnaa dhexdhexaadnimmo, balse uu sharciyaddii jebiyay oo laba xil isku hayo.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dhinacyo kala duwan taabayana oo uu maanta siiyay shebekadda Berberanews.com.

Halkan ka dhegayso waraysigaas oo dhammaysiran,.

 
 
[audio:http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/12/A-Yusuf-.mp3|titles=A Yusuf]