Maareeyaha Korontada Berbera oo Beeniyay dhalliilo muwaadin habeenkii afraad ku xidhan Jeelka Berbera u soo jeediyay

Berbera-15,Dec,2011-(berberanews)-Maareeyaha Korontada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xassan, ayaa ka damqaday dhalliilo uu u soo jeediyay Axmed Siciid Maxamed oo ah wiil dhallinyaro reer Berbera ah oo habeenkii afraad Jeelka Berbera ugu xidhan, ka dib markii uu fikirkiisa ku soo bandhigay eedo musuqmaasuq oo uu ka qoray Maareeyaha.

Maareeyaha Korontada Berbera oo caawa soo saaray war-murtiyeed garnaqsi ah oo uu iskaga leexiyay eedaha loo soo jeediyay, ayuu ku sheegay inuu Xeer Ilaalinta Gobolka Saaxil u gudbiyay dawcad ka dhan ah Axmed Siciid si uu loogu caddeeyo eedaha loo soo jeediyay,. Islamarkaana aanu isagu xadhigiisa ka danbayn ee uu u xidhanyahay Xeer Ilaalinta.

 

Maareeyaha Korontada Berbera waxa uu ka hadlay duruufaha kala duwan ee wershadda laydhku soo martay, xaaladda ay ku shaqayso iyo nidaamka uu ku shaqeeyo, inkastoo aanu soo bandhigin dhaqaalaha ka soo xerooda iyo kharashka ka soo baxa, haseyeeshee waxa uu ka hadlay muhiimadda ay bulshada u leedahay, goobaha ay laydhka bilaashka ah siiyaan iyo xilliyada duruufaha ugu adagi ka taaganyihiin.

Qoraalka uu na soo gaadhiyay Maareeyaha wakaallada Cabdishakuur Maxamuud Xassanoo dhammaysirani waxa uu u dhignaa sidan; “Warshada laydhka berbera maaha goob ganacsi ee waa goob loogu adeego dadwaynaha reer berbera laydhka aanu shidno 35% boqolkiiba sodon iyo shan waa bilaash oo waa danta guud sida laydhka wadooyinka iskuulada jeelka masaajidada malcaamahada sadexda dhakhtar ee gobolku leeyahay mch xananada hooyada iyo dhalaanka Berbera iyo danyar fara badan oo aan awoodin inay iska bixiyaan laydhka

Sidaa aw geed maadama aanay goob ganacsi ahayn markasta oo xaaladi la soo deristo waxa gacan ka gaysta dawlada hoose ee berbera iyo dawlada dhexeba

Hadaba iyada oo ay tahay warshada qudha ee dawladi leedahay ee gobol dhan kaligeed shida bixisana adeeg 24 saac ah uguna qiimaha jaban xataa ka private ah ka jaban umadana u qabata danta guud oo bilaa lacag waxan leeyahay axmed wuu kula kufay dhaleecayntan iyo sumcad dilistan uu ku eedeeyay maamulka wakaalada xooga korontada berbera.

dacwada waxan u qoray xeer ilaaalinta waxana xadhigiisa amray xeer ilaalinta anigu mudici baan ka ahay  ilaa uu caddeeyo musuq maasuqana kama noqonaaayo dacwada ama aniga ha la igu qaado wixii uu cadeeyo oo halay xidho ama isaga hala xidho

qiimaha laydhka berberaa  ka markhaati ah  waxa lagu iibiyo oo iyadan u dhaafay

Xaalada mishiinada maamulka heer degmo iyo heer gobol iyo heer qaranba waa laga war hayaa waxa la sugayaana isla bishan gudaheeda laba mishiin oo waa wayn oo ku filan mustaqbalka shanta sano ee soo socda hadii alle ka dhigo

Bakhtiga laydhka haddii aan ka hadlo, qofka ilaahay abuuray ayaa wadnuhu istaaga oo xanuun sada laydhku marka ciladi timaadaba wuu bakhtiyaaa cid damaanad qaadi kartaana ma jirto laakiin sadex sano ayaanay arag magaaladu isaga oo shan mirir bakhtiisan taas ayaa keenaysa dareenka lakiin laydh la,aan jirta ma jirto

Caawimada lixda boqol ee foosto waanu helnay amaanteeda iyo sharafteedana waxa iska leh dawlada dhexe oo sadexdi bilood ee ugu darnaa ka soo saartay xagaagii xisaab ahaana waxay ku caddahay qaab xisaabeedka wakaalada xooga korontada berbera

Dawladu waxay leedahay hanti dhawr buug aanu hanti dhawrku soo saxiixina lacag laguma qabto sanadkastana waxa baadha hanti dhawrka qaranka isagayna u taala kana qaadi doona talaabada ku haboon wixii uu musuq maasuq ku helo

Saacadaha laydhka horta waxa adiga ku dan ah ayaa umadana dan u ah saacadaha aan kuwalatigoodu fiicnayn dadka uguma xidhno sababta oo ah , isagana way dhibaysa warshadana way dhibaysa marka saacad fiican noocay doonto ha ahaatee soo qaado ayaanu ku nidhaahna marka meeshu doono haka keene waanu ugu xidhna saacadaha uu sheegayaa waa kuwii regaadiyay ee sababay in ay is bixin waydo warshadu qiimaha saacadahana  waxay ka hoosaysa 50% ayaya ka jaban tahay saacadaha tayada leh

laydhka private ka loo diidayna wax la isku doorsado maaha laydh shaqsi iska leeyahay iyo mid umadi leedahay, aniga 17 sano ayaan laydh soo lahaa oo waxan awoodi kari waayay inaan dab siiyo hospital ka halka maanta sadexda dhakhtar iyo danta guud oo dhan

ku baxo magaca dawlada.

Midka labaad marka shidaalku kaco shirkada private ahi markaba qiimaha ayay kicisaa oo kordhisa cid looga cawdaana ma jirto lakiin mudo shan sano ah hal mar qiime lama kordhin hadii uu shidaal kaco iyo hadii uu dhacaba waxa daboola oo ilaaliya dawlada oo lagaga bad baaday inuu qiimuhu ku kaco dad waynaha

Waxaan ku soo gabagabaynayaa ma banaana diinteena islaamka ah in qofka muslimka la caayo oo cirdigiisa iyo sharaftisa meel lagaga dhaco walibana garab lagu siiyo sidii u u caayi lahaa oo la yidhaahdo muwadiin cabiray rayigiisa. waxaan leeyahay war baahinta ha ilaabina in aad danbiga la qaybsan doonta aakhiro wixii hibo ah ee u qofkaasi saaro.”