Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo Dagaal ku dhexmaray Xarunta golaha shacabka Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)- Xildhibaanno kala taageersan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka soo horjeeda oo sheegay shalay inay xilka ka qaadeen ayuu maanta gacan ka hadal ku dhexmaray xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Gacan ka hadalka ayaa waxay dhaawacyo fudud ka soo gaadheen dhowr mudane oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu gacan ka hadalku yimid markii la isku qabsaday in kursiga laga guddoomiyo baarlamaanka uu damcay inuu fadhiisto xildhibaan Cabdiweli Ibraahim Muuddeey oo ah ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, balse ay ka horyimaadeen xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan ka tirsana xildhibaanadii goobjooga ka ahaa markii gacan ka hadalku ka bilaamay madasha ayaa saxaafada uga waramay sida ay waxa u dhaceen isagoo arrimaha ka hadalay waxa uu yidhi,“Xarunta wuxuu shir uga socday xildhibaanadii xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, waxaana muddo kaddib soo galay xildhibaanadii taageersanaa Shariif Xasan xalaaduna caadi ayay ahayd oo waxaa billowday kaftan, balse waxaa xarunta soo galay ku xigeenka koowaad ee gudoomiyaha baarlamaanka oo wata ciidammo, halkaas ayayna fowdadu ka bilaabatay.Ayuu  yidhi xildhibaan Muuse Nuur Amiin oo ka mid ahaa xubnihii goobta ku sugnaa oo saxaafadda la hadlay.

Mudane Muuse Nuur wuxuu sheegay in markii loo diiday gudoomiye ku xigeenka inuu ku fadhiisto kursiga gudoominta shirka ay ciidamadii la socday la soo baxeen hub ayna taasi keentay inuu bilowdo gacan ka hadal.

Ciidamada AMISOM ee ilaaliya golaha shacabka iyo kuwa kale ee dowladda ayaan wax jawaab ah ka bixin gacan ka hadalka dhexmaray xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn dhamaaday, waxaana la jajabiyay kuraastii iyo miisaskii yaalay xarunta golaha shacabka.

Buuqa iyo gacan ka hadalka ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa wuxuu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannadii xilkii ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasoo doonayay inay magacaabaan guddiga qabanqaabada doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Khilaafka ayaa sare u qaadaya muranka siyaasadeed ee u dhexeeya baarlamaanka welina kama aysan hadlin muranka qalalaasaha isku bedelay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Muqdisho.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.