Xildhibaan Qabile oo Madaxweyne Silaanyo u soo jeediyay inuu Jawaab cad ka bixiyo Quudhsi Madaxweyne Geelaha Djibouti Somaliland kula kacay

Hargeysa-14,Dec,2011-(Berberanews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada kaga jira Gobolka Saaxil, ayaa Madaxweyne Silaanyo u soo jeediyay inuu jawaab cad ka bixiyo hadal Keli-taliyaha Djibouti kula dul-kufay jiritaanka Somaliland mar uu todobaadkii hore waraysi siiyay Wargeyska Faransiiska ah ee  Jeune afrique, isagoo cad u dafiray halka shacabka Somaliland u soo mareen xoriyadda.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo dabasocda weedho Ismaaciil Cumar Geelle ku dafiray jiritaanka, dimuqraadiyadda ka hanaqaaday Somaliland waxa uu sheegay inaanay Somaliland waxba u noqonayn weedhahaas ka soo yeedhayna aanay waxba u dhimayn hayaanka ummadda, isagoo ka sheekeeyay abaalkii Somaliland u gashay xoriyaddii dalka Djibouti.

 

 Xildhibaan Qabille waxa uu hoosta ka xariiqay in dib loo eego xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti, “Ninka Taariikhda Qarankan dafiray iyo jiritaankiisa, si badheedhana ugu bandhigay bahweynta caalamka arrin qarankani qarsan karo maaha jawaab cad oo nuxurka iyo masiirka ummada JSL xambaarsan ayaa lagaa rabaa.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Qabille oo na soo gaadhsiiyay war-murtiyeed.

War-muriyeedkaas oo dhammaystirana waxa uu u dhignaa sidan;“Waxa layaab leh ereyadii dhaqanka Diplomaasiyada ka aradnaa ee todobaadkan ka soo yeedhay madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti  Ismaaciil Cumar Geele kaa soo qaranka uu maanta hogaaminayo uu yahay qaranka kaliya ee uu abaal ku lahaa qarankan Somaliland, taariikh dheer oo ku sinayd tan iyo intii gacanta gumaystaha ay ku jireen Shacbiga Reer  Djibouti. hadaan tusaale soo qaato ragii la geeriyooday hogaamiyihii halganka xornimo doonka Djbouti Maxamuud Xarbi, waxa la naf waayay rag ka soo jeeday Somaliland o ay ka mid yihiin Dooble Mitir, Ina Cadhoole, Naale Tuur iyo IN badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sanadkii 1976kii wasiir ka ahaa Dawladii Soomaaliya ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre  wuxuu maanta arkiifiyadiisa ku hayaa warqadii uu qaramada midoobay  horgeeyay tass oo uu kaga dalbanayay in  Jamhuuriyada Djibouti aqoonsi buuxa ka hesho Qaramada midoobay.isla markaa waxa kale oo jirtay sanadihii 1966-1967 dawladii xiligaa ee Soomaaliya hogaaminaysay waxay gobolada woqooyi ka qortay cududii ciidan ee ugu laxaadka waynayd kuwaas oo loo jiheeyay inay gacan siiyaan Gobonimo doonkii Djibouti halkaas oo ardaydii dugsiyada dhexe iyo sare ku jirtay ay si nafthurid ah u galeen ciidamadii halganka gobonimo doonka Djibouti. gacansiintaas oo hiil iyo hooba lala garab joogay tan iyo intii ay xornimada ka qaadatay Jamhuuriyada Djibouti Sanadkiii 1977 27 June heshiiskii Etheiopia & Maxamed Siyaad Barre wuxu ahaa kii u horeeyay ee Djibouti ay dibindaabyo ka gasho reer Somaaliland iyadoo ka shaqaysay sidii loo baabi’in lahaa Uruurkii SNM, Boqolaal muwaadin oo reer Somaliland ah oo ah taageerayaashii Ururka SNM ayaa Maamulkii Djibouti ee Xasan Guuleed oo uu gacanyare ka ahaa nabadsugida

Djiboouti Ismaaciil Cumar Geele si arxandaro ah ugu gacangeliyay Taliskii Macangaga ahaa ee Siyaad Barre Intii uu Xukunka Djibouti qabtayna dagaal diplomaasiyadeed iyo mid badheedh ahba wuxuu geed dheer & mid gaabanba isugu taagay sidii aanay taageero caalamiya u hesheen Jamhuuriyada Soomaaliland ee ka ifaysa Geeska Afrika, wuxuu yidhi ninkii gabyay “waxba yaanu xoolona isiin xaalkayna ii marine Xaasha’e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab”.

Waxaan Ismaaciil Cumar leeyahay Hagoog Xume Yeelkadiisa. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyona waxaan leeyahay Gabaybaa wuxuu yidhaahdaa “Dhashaaday dishaa xaajadaad dhawrataa Abide, Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday Dhaqayadeed maal” ninka Taariikhda Qarankan dafiray iyo jiritaankiisa Si badheedhana ugu bandhigay bahweynta caalamka arrin qarankani qarsan karo maaha jawaab cad oo nuxurka iyo masiirka ummada JSL xambaarsan ayaa lagaa rabaa. Isla markaana waa in dib loo qiimeeyo

xidhiidhka iyo cilaaqaadka dalka Djibouti qaraar ku haboona laga gaadho.

Ugu danbayn Ismaaciil Cumar waxaan u sheegayaa in aan qarankani wax uu Djibouti uga baahanyahay jirin, dabnahaaga  hadal kayimid nama hakin karo hore usocodka JSL iyo masiirka uu shacbi ee ay xaqa u leedahay

waxaan si gaara u xusayaa shacbiga reer Djibouti ee aanu dhiiga & dhaqankaba Wadaagno ee halgankayagii nagala qayb qaatay sidaanu koodii ugala qayb qaadanay ilaahayna waxaan uga baryaya inay mustaqbalka

helaan hogaan u horseeda horumar barwaaqo iyo daris wanaag.”

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com